Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia iyo heerka isticmaalka sonkorta oo laga dayriyey

Daraasad-cilmiyeed ayaa waxey soo saartay in Australia ay sare u kacday isticmaalka sonkorta marka la barbar dhigo 15 sano ka hor. Arintan ayaa laga muujiyey walaac badan, sababa la xidhiidha dhibaatada ay keeni karto sonkortu.

cientists say the ideal diet includes doubling of consumption of nuts, fruits, vegetables and legumes, and a halving of meat and sugar intake.

Source: Getty Images

Daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in dadka Australiyaanka ah ay si ayna dareemeynin u cunaan sonkor ka badan intii ay isticmaali jireen 15 sano ka hor,  sababtoo ah warshaduhu waxay kordhiyeen qadarka sonkorta ay ku darayaan cuntada iyo cabitaannada.

Daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaasha Jaamacadda Deakin ayaa lagu ogaaday in heerka sonkorta lagu daray cuntooyinka baakadeysan ee Aasiya Pacific ay kor u kacday 39% intii u dhaxaysay 2007 iyo 2019, halka heerka macaan ee cabitaannada ay kordheen 47% isla muddadaas.

Cherie Russell, oo hormuud ka ah cilmi-baadhidan ayaa sheegtay in ay tahay isbeddel walaac leh, sababtoo ah cunista cunnada macaan waxay saameyn ku yeelan kartaa saxamadeena, waxayna nagu dhiirigelinaysaa inaan rabno cunto macaan oo badan.

Russell waxay sheegtay in daraasaddu ay soo jeedinayso xeerarka cuntada qaranka ee loogu talagalay in lagu dhimo xaddiga sonkorta ee cuntooyinka la cunayo ayna shaqaynayn.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now