Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa ku dhawaaqay heshiis amni oo caalami ah oo cusub.
Isbahaysigan ayaa wadada u xaaraya isbadal balaaran oo lagu samaynayo qorshaha ay Australia ku soo iibsanayso gujisyo.
Heshiiskan oo loo bixiyay AUKUS ayaa lagu sheegay in Australia ku helayso farsamada cusub ee lagu dhisayo gujisyo nukliyeer ku shaqeeya, taas oo dhalisay hadal hayn ku saabsan in Australia ka baxayso heshiis ay la gashay shirkad Faransiis ah oo dhisi lahayd gujisyo balaayiin doolarna ku baxday.
Mr Morrison ayaa sheegay in gujisyada cusub lagu dhisayo Australia gudeheeda.
"Waxaa heshiiskan ka mid ah inaan si qoto dheer u fiirino wax kasta oo loo baahan yahay inaan nukliyeerka si masuuliyadi ku jirto u maarayno. Waxaa ku dhisaynaa gujisyadaas Australia gudeheeda, gaar ahaan Adelaide, anagoo si dhow ula kaashanayna UK iyo US. Laakiin waxaan doonayaa inaan cadeeyo in Australia aysan doonayn inay noqoto dal hub nukliyeer haysta. Waxaa sii wadaynaa inaan ka soo baxno waajibaadkayaga ah inaan la faafin hubka nukliyeerka." ayuu yiri Mr Morrison."