Fayraska shiinaha ee dilaaga ah ayaa Australia laga baqayaa in uu soo gaadho, iyadoo labada wadan dadkoodu ay si baaxad leh isugu gooshaan, ayna jirto Jaaliyad balaadhan oo asal ahaan kasoo jeeda shiinaha oo labada wadan ku xidhan.
Australia iyo shiinaha ayaa sidoo kale wadaaga ganacsi baaxad leh, taasoo ka dhigeysa is dhexgalka iyo isu gooshka labada shacab in ay adagtahay in la hakiyo.
Dareenkan ayaa imanaya, iyadoo uu tirada dadka wadanka Shiinaha ugeeriyooday cudurkan ay gaadhay ilaa iyo haatan 17 qof, halka ay gaadhayso tirada cudurkan laga helayna 540.
Takhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad ayaa la geeyay garoomada ay soo caga dhigtaan diyaaradaha ka imaanaya Shiinaha, iyagoo la baadhayo dhamaan dadka saaran, qofkii looga shikiyo in uu virus-kaas hayo, si toosa ayaa isbitaalka loo gaynayaa.
Diyaarad ka timid halka uu ka biloowday virus-ku.
Diyaarad ka timid Shiinaha maanta oo khamiisa (23/01/20) duhuradii, kana soo kicitantay magaalada la sheegay in virus-kani ka biloowday Wuhan, ayaa la sheegay in hal qof haatan baadhitaano dheeraada lagu wado, mar dhawna lakala ogaan doono in qofkan uu qabo cudurkaas.Takhaatiir iyo Kalkaaliyaal caafimaad oo heegan la galiyay ayaa ku sugan gagida diyaaradaha, kuna hawlan kantaroolida cudurkaas.
Wadama dhowra oo cudurkan laga helay.
Virus-ka cudurka Shiinaha ka dilaacay ayaa laga helay wadamada, Maraykanka, Japan, Filibiin, Hong Kong, Macau, Thaiwan iyo Thailand.
Hay’ada caafimaadka oo feejigan.
Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa dib u dhigtay go’aan ay ku dooneysay in ay ku dhawaaqdo xaalad degdega oo caalami ah oo caafimaad iyadoo kalena aan horay u dhicin in uu yahay cudurkani, sababtoo ah waxey warbixn ay sheegtay kusoo saaratay in waqti dheeraada loo baahanyahay.
Laakiin Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in loo baahan yahay waqti dheeri ah si loo go’aamiyo in tani ay tahay xaalad degdeg oo caalami ah.
Hay ada ayaa sii wada kulamadeedii iyadoo Jamcada (24/01/20) kulan kale ka qaban doonta walaaca la xidhiidha cudurkan shiinaha ka dilaacay.
Bulshada Shiinaha oo baajiyay safaro.
Qaar ka mida Jaaliyada Shiinaha ee Australianka ah, ayaa ku qasbanaaday in ay baajiyaana fasaxyada sanadkooda cusub oo ay qorsheeyeen in ay booqdaan wadankoodii, sababa la xidhiidha halista cudurka dilaacay.
James Li, oo degan magaalada Melbourne ayaa mar hore qorsheestay isaga iyo qoyskiisu in ay booqdaan waaldkiis, oo dagan isla magaalada cudurkani kasooo biloowday ee Wuhan, balse waxa uu sheegay in kadib faafida virus-kan ay ku qasbanaadeen in ay baajiyaan safartoodii ay waalidka fasaxa kula qaadan lahaayeen.