Australia oo lacag dheeraad ah siinaysa Ukraine si ay isu difaacdo

Ukrainian military vehicles move past Independence square in central Kyiv as cities across Ukraine were hit with what Ukrainian officials said were Russian missile strikes and artillery on 24 February, 2022.

Source: Getty / DANIEL LEAL/AFP via Getty Image

Australia ayaa u qoondaynaysa 105 milyan oo doolar oo loogu talo galay hubka dilaaga ah iyo kan aan dilaaga ahayn, iyo gargaarka binaadanimo ee dalka Ukraine.
 
Ra''iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay inuusan faahfaahino gaar ah bixin karin si aysan taasi Ruushka u siin macluumaad laakiin wuxuu sheegay RW Morrison inay ku jiraan gantaalo iyo rasaas.
 
Dawlada Federalka ayaa sidoo kale doonaysa inay gargaar binaadanimo u fidiso boqolaal kun oo qaxooti ah oo ku barakacay colaadda Ukraine.
 
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ruushku ay iska dhigeen kuwo caalamka intiisa kale ka takooran.
 
"Waxaan ka hadlaynaa gantaalo, waxaan ka hadlaynaa rasaas. Waxaan ka hadlaynaa inay ka taageerno siday u difaaci lahaayeen dalkooda Ukraine, waxaana la kaashanaynaa NATO. Ma doonayo inaan faahfaahin dheeraad ah bixiyo sababtoo ah ma doonayo inaan Ruushka u sii sheegno waxa ku soo socda. Laakiin waxaan xaqiijinayaa inaan gargaarkaas siinayno Ukraine."
 
Mr Morrison ayaa sidoo kale sheegay inaan wali la hubin sharciyadda dadka doonaya inay qaataan baaqii Madaxweyeanaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ay Australia ka tagaan kana dagaalamaan Ukraine, isagoo RW intaa ku daray inay duqunimo wayn tahay in colaad socota la dhex tago.
 

Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Australia oo lacag dheeraad ah siinaysa Ukraine si ay isu difaacdo | SBS Somali