Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia oo lacag siinaysa NATO si loogu hubeeyo Ukraine

Afghanistan Troops.

Source: AAP

Dawlada Australia ayaa sheegtay inay 3 milyan oo doolar ku biirinayso NATO si nooca aan dilaaga ahayn iyo qalab milatari oo kale iyo qalab caafimaad loo siiyo Ukraine.

Qoraal ka soo baxay RW Scott Morrison maanta oo bisha 28 tahay ayaa lagu sheegay in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono cadada maaliyadeed ee Australia siinayso NATO si looga taageero ciidanka Ukraine hubka dilaaga ah.

 

Qasnajiga dawlada federalka Josh Frydenberg ayaa Janaal 7 u sheegay in dawlada federalka ka sii fiirsanasyo dariiq kale oo lagu ciqaabo Ruushka oo ay ku jirto in safiirkooda Australia la eryo.

 

"Waxaan wadahadal kula jirtnaa saaxiibadeena caalamka. Marka laga hadlayo qalab milatari, waxaan kala hadlayna xulafadeena Maraykanka, Britan nooca ay noqonayso taageeradaas, halka laga soo gadayo iyo sida loo gaarsiinayo Ukraine. Waxaan sidoo kale Ukraine siinaynaa qalab milatari oo aan dilaa ahayn marka waa dadaal caalami ah," ayuu yiri Mr Frydenberg.

 


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now