Australia open to move embassy to Jerusalem

Prime Minister Scott Morrison

PM Scott Morrison is expected to announce he will move Australia's embassy in Israel to Jerusalem. (AAP) Source: AAP

Raiisul Wasaare  Scott Morrison ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo in safaarada Australia ee Isreal oo hadda ku taal Tel Aviv in Jerusalem loo wareejiyo.

Safaarada Australia ayaa waligeed ku taalay Tel Aviv maadaama uu jiray muran mudo dheer u dhexeeya Isreal iyo Falatiniyiinta oo ku aaddan Jerusalem.

Haddi Australia ay kaga dhabayso arintan waxay raacaysaa maraykanka wuxuuna macneheedu noqonayaa in Australia ay Jerusalam u aqoonsatay inay caasimada Isreal.

Mr Morrison ayaase ku adkaysanay inay wali dawladiisa ka go'an tahay xal ku salaysan labo dal oo Isreal iyo Falastiin ay yeeshaan.

Laakiin RW ayaa sheegay in rarida safaaradu inayba tahay dariiq kale oo xalinta khilaafka lagu gaarayo.

[["Waxaa aan samaynayo waa inaan dhagaysanayno talooyinka naloosoo jeediyay oo suurogalinkara in hore loo socdo. Ma diidayo arin wax lagu hagaajin karo waana taas arinta maanta aan ku dhawaaqnay, inaan kasii wadahadalno waan u furanahay, waana soo dhawaynayaa inaan kala hadlo dadka, saaxiibada iyo madaxda aduunka.)) Ayuu yiri Mr Morrison.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand