Dadka Australia ku nool ayaa gaaridoona 25 malyan caawa oo ah Talaado 7 Agoosto 2018.
Saacad xisaabisa kororka shacabka oo ay maamusho hayada tirokoobka Australia A-B-S ayaa qiyaasaysa in hal qof uu ku darsamo shacabka daqiiqad iyo 23 kii ilbiriqsiba.
The A-B-S ayaa saadaalinaya in tiradan taariqiga ah la gaaridoono caawa 11 habeenimo.
Haddii kororku sidan kusii socdana waxaa la saadaalinayaa in 26 malyan la gaaro 3 sano kadib, 40 malyana la gaaro bartamaha qarnigan.
Kororka shacabka Australia ayaa ku yimaada caruurta dhalata iyo soogalooti yimaada dalka.
Kororkan ayaa dhaliyay doodo ku aaddan in Australia qaadi karto tirada badan iyo in la yareeyo dadka soogala.
Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay dawladaha kala duwan inaysan ka shaqayn oo dhisin kaabayaal dhaqaale oo ku filan tirada shacabkan sii kordhaya.
Australia waa dal balaaran oo qaadi kara tiro farabadan laakiin waxaa laysku hayaa waa in dadka intooda badan doonayaan inay degaan magaalooyinka waaweyn halka magaalooyinka qaarkood ay dad la'aan ka cabanayaan oo aysan heli karin shaqaale u buuxiya shaqooyinka qaar.
Doodan ayaa sii socondoonta.