Live

Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

James Ricketson, ayaa wadanka kusoo laabtay, isagoo xabsiga Kamboodiya laga siidaayay.

James Ricketson, oo Filim sameeya Australia ah, ayaa wadanka kusoo laabtay, isagoo xabsiga Kamboodiya laga siidaayay.

Australian filmmaker James Ricketson
Australian filmmaker James Ricketson (centre) is seen arriving at Sydney International Airport, Sunday, September 23, 2018. Source: AAP

Filin Sameeyaha Australia James Ricketson, ayaa garoongka diyaaradha Sydney kasoo degay, kadib markii laga soo daayay Xabsi dalka Kamboodiya (Cambodia) oo uu ku jiray muda ka badan hal sano.

Ninkan oo 69 jira,  ayaa dawlada Kamboodiya ay  bishii August ku xukuntay lix sano oo xabsiya, kadib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyo ay mucaaraku dhigayeen, isagoo lagu soo eedeeyay in uu hawlo basaasnimo ku jiray.

James ayaa lagu soo daayay cafis uu u fidiyay boqorka Kamboodiya Norodon Sihamoni, arintan oo ku timid dadaala ay dawlada Australia ku bixisay sii deynta James Ricketson.

James ayaa waxa uu sheegay markuu kasoo degay gagida diyaaradaha ee Sydney, in uu ku laaban doono wadanka Kamboodiya, isagoo sheegay in uu jecelyahay Kamboodiya, xabsiga loo gaystayna ayna wax saamayna ku yeelanayn dhanka jacaylkiisa wadanka Kamboodiya.

 

 

 

 

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now