Filin Sameeyaha Australia James Ricketson, ayaa garoongka diyaaradha Sydney kasoo degay, kadib markii laga soo daayay Xabsi dalka Kamboodiya (Cambodia) oo uu ku jiray muda ka badan hal sano.
Ninkan oo 69 jira, ayaa dawlada Kamboodiya ay bishii August ku xukuntay lix sano oo xabsiya, kadib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyo ay mucaaraku dhigayeen, isagoo lagu soo eedeeyay in uu hawlo basaasnimo ku jiray.
James ayaa lagu soo daayay cafis uu u fidiyay boqorka Kamboodiya Norodon Sihamoni, arintan oo ku timid dadaala ay dawlada Australia ku bixisay sii deynta James Ricketson.
James ayaa waxa uu sheegay markuu kasoo degay gagida diyaaradaha ee Sydney, in uu ku laaban doono wadanka Kamboodiya, isagoo sheegay in uu jecelyahay Kamboodiya, xabsiga loo gaystayna ayna wax saamayna ku yeelanayn dhanka jacaylkiisa wadanka Kamboodiya.