Dawlada Australia ayaa rumaysan in wadanka Ruushku ay masuul toosa ka yihiin soo rididii diyaaradii Malaysia ee duulimaadkeedu ahaa M-H-17. ee lagu soo riday goobta bariga Ukrainian July 2014.
Wasiirada Arimaha Dibada Julie Bishp, ayaa tiri Australia iyo Holland, waxa ay Ruushka dusha ka saarayaan masuuliyada burburka diyaaradaas, iyadoo labada wadan ay ka codsanayaan in ay ka gar qaadato dhibka ay gaysatay, ayna ku dhaqaaqdo sidii ay arintaas wax ooga qaban lahayd”.
Arintan ayaa timid kadib markii ay baadhayaashii caalamiga ahaa ee diyaaradaasi ay ku dhawaaqeen in gantaalka diyaarada lagu soo riday in uu kaga yimid goob ay degenaayeen unug ciidan oo Ruusha.
Diyaaradan ayaa waxa ay siday waqtiga lasoo riday (July 2014) dad gaadhaya 298 qof, iyadoon cidina ayna ka badabaadin dadkii saaraan.