Dawlada federalka dalkan Australia ayaa canbaaraysay muuqaal cusub oo internetka lasoo galiyay oo muujinaya dadka Muslimiinta China ee Wigerka oo ku hadla afka Turkey oo indhaha ka xiran labada gacmoodna dhabarka gadaashiisa layskaga xiray.
Fidiyowga ayaa la aaminsan yahay in laga qaaday gobolka Xinjiang, waxaana ka muuqda boqolaal rag Wiger oo dhawaan madaxa laga xiiray oo tareen laga dejinayo Woqooyiga Galbeed China.
Muuqaalkan ayay wasiirada arimaha dibada Australia, Marise Payne ku tilmaantay wax aad looga naxo. Waxaana saxnimada muqaalka xaqiijiyay Nathan Ruser oo falanqeeya sawirada lagu qaado dayaxgacmeedyada.
"Iyadoo la isticmaalayo qaabab kala duwan oo ilo wareedyo lagu heli karo iyo maabka Google Earth, waxaa laysu fiirin karaa tobanaan calaamadaha muuqaalka fidiyowga iyo xaqiiqda runta ee ka jirta xarunta tareenka ee ragan laga dejinayay," ayuu yiri Nathan.
Sida lagasoo xigtay Qaramada Midoobay, waxaa ku xiran ugu yaraan hal malyan oo Wiger ah gobolka Xinjinag iyadoo lagu hayo xero loo bixiyay 'Waxbarid".
China ayaa iyadu ku adkaysanaysa in sida ay ula dhaqanka Wigerka ay lagama maarmaan tahay si loola dagaalamo argagixisada.