Xukuumada Federaalka ee Australia ayaa qorshaynaysa in ay markale dib usoo celiso qorshihii ay ku doonaysay in ay wax kaga badasho arimaha dhanka Shuruucda jinsiyad qaadashada .
Qorshahan ayaa ku fashilmay in uu helo aqbalaada Xubnaha baarlamaanka ee labada aqal, iyadoo sababtuna ay ahayd in qodobada qaar oo xukuumadu ay riixaysay ay u muuqdeen kuwa aad u adag, si gaara qodobka khuseeya heerka Engliishka laga rabo qofka sharciga qaadanaya.
Wasiirka Arimaha Jinsiyada Alan Tudge, ayaa isagu haatan soo cusboonaysiiyay culays ay dawladu saarayso in ay meel mariso shuruuc cusub oo khuseeya dhanka Jinsiyada.
Qodabka oogu daran, ama oogu adag ee ay doonayso Xukuumadu in ay meel mariso ayaa ah, dhanka heerka Englishka looga baahanyahay qofka sharciga qaadanaya oo aad u sareeya..
Dawlada aya waxa ay u muuqataa in ayna qodabkaas waxba ka badalin, kan oo ahaa sababtii oogu weynayd ee toogadii hore shuruucdan loo ansixin waayay, iyadoo ay kasoo horjeedsadeen Xisbiga Laborka iyo xubnaha madaxa banaan.
Balse wasiirka Jinsiyada Alan Tudge, ayaa isagu aaminsan in Australia ay ka abuurantay , heerar dadka soo galootiga ah oo degaana gaara isku aruursanaya, taas oo ay weheliso in tira aad u badan oo dadkaasa ayna luqada Englishka Ku hadlin.
Alan ayaa isagu sheegay in uusan doonaynin in uu arko in Australia ay ka dhacdo in dhaqamo loo kala boxo, sida ka jirta meela ka mida bahda ree Europe. Iyadoo sida uu aaminsanyahay wasiirku, luqada Englishka oo ku hadalkeedu uu yaroodo , in arintaas dhaqamada loogu kala go'ayo in ay sii kordhayso.
Balse dhankeeda Linda Burney, ayaa iyada oo la hadlaysa Sky News, waxa ay dawlada u sheegtay in qorshaha dawalda ee dhanka luqada looga baahanyahay qofka imtixaanka jinsiyada galaya in uu aad u sareeyo.
Linda ayaa ku doodaysa in wasiirkan cusub uusan la imaanin wax cusub, ee uu soo celinayo qorshihii hore, taasna ay tahay in natiijadii hore mid la mida uu wajahi doono.