Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Xubin baarlamaan oo diiday in uu raaligalin ka bixiyo sawir uu bastoolad haysto.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Australia oo diiday in uu raali galin ka bixiyo sawir uu bastoolad haysto, oo uu facebooga soo dhigay.

George Christensen
George Christensen Source: Facebook

Xubinka baarlamaanka ee Xisbiga Nationlka George Christensen, ayaa soo dhigay barta Facebooka uu ku leeyahay sawirkiisa, isagoo bastoolad labada gacmood isugu geeyay, una taagan sidii qof wax shiishaya.

Faalooyinka hoosta uu kaga qoray sawirka ayaa iyaguna u muuqday kuwa daandaansi leh, iyadoo hogaamiyaha greenku Rechard Di Natale, uu u arkay in ay tahay mida aan haboonayn, isagoo dhankiisa dhacdadan cabasha ooga gudbiyay Bilayska Federalka ee Australia, r’iisulwasaarahana ku wargaliyay .

Dhankiisa Ra’iisulwasaare Malcolm Turnbull, ayaa ku tilmaamay sawirka mid aan haboonayn, isagoo sheegay in bilaysku ay qiimaynayaan.

Balse George Christensen, ayaa diiday in arintaas uu raali galin ka bixiyo, isagoo sheegay in ay dheel ka ahayd.

Xubinka Nationlka ee sawirkiisa isagoo bastoolada haysta soo dhigay barta faceboogiisa, ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii 17 caruura wadanka Maraykanka lagu dhex toogtay  Schoolkii ay dhiganayeen.


1 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now