Haween badan oo Australian oo dhibaato wayn kasoo gaartay qalab jirkooda la galiyay si aysan uur u yeelan ayaa hadda dacwo ku oogaya shirkada samaysay qalabkan. Qalankan ayaa loo yaqaan Essure.
Shirkada qareemada ee caanka ah Slater and Gordon ayaa sheegtay inay lasoo xariireen haween badan oo dhibaatooyin kala duwan soo gaareen markii qalabkaas jirkooda la galiyay.
Qalabkan ayaa ka kooban bir lagu xiro labo tuubo oo ilmo galeenka xira laakiin birtii ayaa la falgashay jirkii haweenka oo jirkooda sumaysay taasoo dhibaato u gaysatay ilmo galeenka iyo xubno kale oo jirkooda ka mid ah.
Ebony Birchall oo ka tirsan Slater and Gordon ayaa sheegtay in shirkadoodu dacwo wadareed ku qaadi doonto shirkada Bayer oo samaysay qalabkan Essure. Shirkada ayaa u joojisaya inay qalabkan ku gado Australia bishii May sandkii lasoo dhaafay.