Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Awer Bul Mabil oo la gudoonsiiyey Abaalmarinta da’yarta Australia ee sanadka 2023.

Abaalmarinta da’yarta Australia ee sanadka ayaa la guddoonsiiyay ciyaaryahanka kubbada cagta Awer Bul Mabil, kaasoo hadda ku sugan jamhuuriyadda Czech halkaas oo uu ugu ciyaaro Sparta Prague.

Awer Mabil

Source: Getty / Getty / Getty Images

Abaalmarinta da’yarta Australia ee sanadka ayaa la guddoonsiiyay ciyaaryahanka kubbada cagta asal ahaana kasoo jeeda Koofurta Suudaan Awer Bul Mabil, kaasoo hadda ku sugan jamhuuriyadda Czech halkaas oo uu ugu ciyaaro Sparta Prague.

Awer Mabil oo wadanka dibada uga maqan ayaa abaal-marinta Dhalinyarada Australia waxaa u gudoomay hooyadii iyo adeerkii.

Awer Mabil ayaa saaka Khamiisnimada ka faallooday abaal-marintii uu shalay Arbacadii helay, iyo halka uu asal ahaan ka soo jeedo ee qaxoontinimada ah.

["Anigu ma ihi ciyaartoy caadiya, marka hore waxaan naftayda ku qeexaa inaan ahay qof, ka dibna waqtigan haatan ee nolasheyda aan joogno waxaan haystaa magaca ciyaartoyga kubbadda cagta., laakiin aniga waxa iigu horreeya waa inaan noqdo qof wanaagsan, waana had iyo jeer wax badan ayay iiga dhigan tahay xeryaha qaxootiga ee aan ku dhashay, inaan isku dayo inaan halkaas u joogo carruurta."]

Awer Mabil waxa uu Australia soo galay isaga oo 10 jir ah ka dib markii uu ku soo koray Xero Qaxooti oo Kenya ku taala oo ay qoyskiisu ka soo carareen dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Sudan.

Awer waa aasaasihii hay'adda samafalka ee Barefoot to Boots, taasoo ujeeddadeedu tahay horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo sinnaanta jinsiga ee qaxootiga, iyo sidoo kale in dhallinyarada qaxootiga ah lagu qalabeeyo qalabka ciyaaraha.


2 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now