Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Ayaan oo baajisay safakeedii Australia

Ayaan Hirsi Ali
Controversial: Ayaan Hirsi Ali will no longer be heading to Australia. Source: Jared Platt

Ayaan Hirsi Ali ayaa si lama filaan ah u baajisay safar ay ku imaan lahayd Australia.

Ayaan ayaa la filaya inay safakeeda hadalka ka bilowdo Brisbane qamiista ka hor inta aysan aadin Sydney kadibna Melbourne ay kusoo gabagabayso safakeeda sida lagasoo xigtay ururka qabqabanqaabinayay qudbooyinkeeda Australia Think Inc, waxayna xaqiijiyeen in dadkii tigidhada u gatay hadalkeeda in loo celindoono lacagtooda.

Ka hor imaansheheeda Australia dadka kasoo horjeeda iyo kuwa taageera ayaa ka hadlay safarka gabadhan aad Ilsmaka ugasoo horjeeda.Afahayeen u hadlay Think Inc ayaa sheegay in Ayaan ay aad uga xun tahay in sababo ay ka mid yihiin walaac xaga amaanka ay u baajisay safarkeedii ay Australia ku imaan lahayd.

Warbaahino badan oo SBS ka mid tahay ayaa ku balansanaa inay waraystaan Ayaan, waxay kaloo ka qaybqaadan lahayd barnaamujka Q&A ee ka baxa ABC habeenka isniinta.Qudbada ay jeedilahay ayaa loo dhaliilay iyadoo la doonayay inay ka hadasho booska haweenku ku leeyihiin diinta Islamka.

Boqolaal qog ayaa saxiixay codsi internbetkalagu qoray oo lagu diidan yahay safarada qudbo ee Ayaan Ali.r."Iyadoo la eegayo islam nabacabka soo kordhaya ee caalamka, hadalada kala qaybintaa ee Ayaan waa mid u shaqaynaysa oo kaliya inay sii kordhiso colaada iyo nacaybka Muslimiinta lagu hayo ayaa lagu yiri qoraalkaas ay saxiixeen boqolaal qof oo lagu qoray ."  Change.org,


2 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now