Shantii maalmood ee bandowga lagu soo rogay Victoria ayaa la qaadayaa marka la gaaro caawa oo Arbaca ah habeen barkii sidii hore loo qorsheeyay.
Maamulayaasha gobolka ayaa xaqiijiyay inaan la sii dheerayn doonin bandowga.
Go'aankan ayaa imanaya iyadoo gobolka aan laga helin kaysas coronavirus ah oo gobolka gudihiisa la isku qaad siiyay iyadoo dad gaaraya 40 kun oo qof ay iska baareen caabuqa Covid_19.
Hase yeeshee xanibaadaha qaarkood ayaa sii jiri doona ilaa ugu yaraan 26 Febaraayo.
Waxaa la qaaday xanibaadii ahaa inaan la dhaafi karin 5 KM meel ka fog gurigaaga iyo waliba 4 tii sababood ee la ogolaa in qofku guriga uga baxo.
Waxaa wali qasab ah in marka qofku joogo goobaha dadweynaha la xirto afduubka (mask).
Waxaa dadka loo ogol yahay in guryohooda ay ku soo booqan karaan ilaa 5 qof oo marti ah.
Waxaa la ogol yahay inay dibadda ay ku kulmaan ilaa 20 qof.
Waxaa dib loo furayaa iskuulada, dukaamada, maqaayadaha iyo waliba goobaha wax lagu caabudo sida masaajidada.
Dadka shaqooyinkoodii dib ugu noqonaya waxaa loo ogolaaday inay xafiisyada ku noqdaan 50% shaqaaluhu.