Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Baraha shukaansiga oo khatarahooda laga digayo.

Shukaansiga baraha bulshada ayaa ka mid noqday jidadka cusub ee dadku ku wada xidhiidhaan, si gaara raga iyo dumarka oo shukaansi u adeegsada. Baryahan danbe waxaa soo kordhayey xadgudubyo onlinka ka dhaca oo dhibaatooyin dad badan ku reebay. dadaala ayaa socda wax looga qabanayo ka hortaga danbiyadaas.

Julie Inman Grant

Julie Inman Grant Credit: courtesy of esafety.gov.eu

Wakiilka Badbaadada Baraha Bulshada ayaa dhiirigelineysa adeegyada shukaansiga ee onlinka ama aappapka in dadka garwadeenka ka ah ay aaladahooda ka wanaajiyaan heerka khatarta leh ee hada ay ku wadaan, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya sare u kaca xadgudubka ku saleysan muuqaalada, sida kukala aargoosiga muuqaalada anshaxa ka fog, tanoo dhacday si gaara intii lagu jiray Covid-19.

Julie Inman Grant ayaa uga digaysa dadka isticmaala appapka shukaansiga khatarta isticmaalka apps-ka shukaansiga ee haweenka iyo dadka dhaqamada kala duwan, gaar ahaan in laga foojignaado dambiilayaasha ka faa'iideysanaya bogaggaas.

Guddoomiyuhu waxa uu rabaa in dadka appapka leh ay waajibaad joogto ah qabtaan,si looga hortagayo dembiilayaasha in ay galaan aaladahaas si ayna ugu suura galin in ay ku xad-gudbaan haweenka onlaynka isticmaala.

Shukaansiga appka waxaa hubeeya dambiilayaasha, oo iyagu caadeysta maleegida falal guracan oo gaadha mararka qaar heerar naxdin leh sida aargoosiga faafinta sawirada qaawanaanta iyo baadda jinsiga, iyadoo siyaasiyiinta iyo booliisku ay ku biireen dadaalada loogu jiro in khatarta soo kardhay laga hor tago.

In ka badan saddex milyan oo Australiyaana ayaa isticmaala apps-ka shukaansiga iyagoo raja ka qaba helitaanka jacayl, laakiin marar badan waxay ogaadaan wax aad u dhib badan oo kaga yimaada aaladaas.


2 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now