Ra’iisulwasaare Kuxigeenkii hore ee Xisbiga Nationalka Barnaby Joyce’s ayaa la heshiiyay Kanaal Seven (TV), isagoo ka gatay warbixinta uu siiyay, isaga oo ay la jireen xaaskiisa Vicki Compion, iyo wiilkii yaraa ee u dhashay.
Lacagta uu kula heshiiyeen Kanaalka in ay kaga gataan waraysigaas ayaa ah 150, 000 (oo dollar).
Lacagtan ayaa la sheegay in Joyce uu sheegay in uu siinayo wiilkiisa hada uun la dhalay, ee ay Vicki hooyada u tahay, loona bixiyay magaca “Sabastian”
Xubnaha baarlamaanka ee Isbahaysiga wadanka ka taliya ayaan arintaas ku farxin, iyadoo loo arkay in ayna ahayn mid ku haboon Xubin baarlamaan, horayna u ahaa Kuxigaha ra’iisulwasaaraha, ahaana hogaamiyaha xisbiga Nationalka in uu iibsado waraysi , kaasoo ah waxyaabaha bulshadu xaqa oogu leedahay in uu ka jawaabo su’aal kasta oo la waydiiyo, si lacag la'aana.
Senator Dean Smith, oo ka tirsan Xisbiga Liberalka ayaa isagoo la yaaban dhaqanka Joyce, yidhi: “Markii aad noqoto qof ka tirsan Baarlamaanka , waa in aad noqotaa mid si joogta ah loo waydiinayo Su’aalahaas oo kale. Waa shaqadayda , waa shaqada ay iga sugayaan dadka isoo doorta, waa shaqada oogu saraysa ee la qabto”.
Barnaby Joyce, oo markii ay soo baxday xidhiidhka uu Vicki la lahaa, xiisad siyaasadeed abuuray, taas oo isaga galaafaty, uuna ku waayay labadii jaga ee uu hayay, ayaa haatana u muuqda wali in xidhiidhkiisa Vicki iyo umusha ay hada wiilka lixda todobaad dhalan ay umushay, in wali ay sii jiitamayso hadal haynta qoyskiisa, iyo talaabooyinka uu qaadayo oo mar walba muran siyaasadeed dhalinaya, ma aha kaliya dhanka mucaaradka, balse ka yaabisay sidoo kale xubnihii oogu dhawaa ee isbahaysiga talada haya.