Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Barnaby Joyce oo la dhaariyay

Barnaby Joyce and Senator Bridget McKenzie arrive at a press conference after the Nationals party room meeting.

Barnaby Joyce at a press conference after the Nationals party room meeting. Source: AAP

Barnaby Joyce ayaa markii labaad qabtay xilka labaad ee dalka ugu sareeyay isagoo noqday Ra'iisul Wasaare ku xigeen.

Mr Joyce ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilka kadib xaflad lagu qabtay aqalka Governor Generalka David Hurley.

"Anigoo ah Barnaby Thomas Gerard Joyce, waxaan ku dhaaranayaa inaan si sax ugu shaqaynayo shacabka Australia anoo ku shaqaynaya xafiiska RW ku xigeenka, sidoo kalana noqonaya wasiirka gaadiidka, hurumarinta gobolada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaan daacad u noqonayaa boqorada Australia, Queen Elizabeth, ilaahayna ha ii fududeeyo."

Lamaanaha Mr Joyce, Vikki Campion iyo caruurta ayaa joogay goobta lagu dhaarinayay. 

RW Scott Morrison ayaa dhinaca onlineka uga qayb galay xaflada isagoo u hambalyeeyay Mr Joyce xilka cusub ee uu qabtay.

Waxaa hadda la sugayaa isku shaandhaynta golaha wasiirada.


1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now