Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Ben Carson compares slaves to immigrants

Ben Carson compares slaves to immigrants

US housing and Urban development secretary  Ben Carson
Republican presidential candidate Ben Carson during the Republican Presidential Debate, hosted by CNN in Las Vegas. Source: Getty Images

Ben Carson oo ah xoghayaha guryaha iyo horumarinta magaalooyinka ayaa qudbadiisii u horeeysay oo u jeediyo shaqaalaha wasaarada kaga hadlay waxa uu ugu yeeray dhaqanka wanaagsan ee Maraykanka oo ah inay tahay bulsho wax kasta qabsan karta.

Carson ayaa sheegay in dhaqankaas fiican uu tusaale u yahay dadkii adoonta Maraykanka lagu keenay { Slaves} oo ku tilmaamay muhaajiriin Maraykanka yimid iyagoo aan waxba haysan kadibna aad u shaeeyay.

Sidaas ayaa Maryakanka lagu yaqaan ayuu yir Mr Carson isagoo intaa ku daray in Maraykanku yahay dalkii riyada iyo fursadaha.

Dadkii qudbada xoghayaha dhagaysanayay ayaa la fajacay hadalka uu ku sheegay in dadkii adoonsiga Africa looga keenay ay la mid yihiin dadka muhaajiriin ah oo dalka yimid.

Ma ah markii u horaysay oo Mr Carson uu hadal  muran dhaliyay sheego. Intuu ku jiray ololihii doorashada ayuu ku tilmaamay nidaamkii caafimaadka ee Obamacare wixii ugu xumaa ee Maraykanka soo mara ilaa adoonsigii.

Ben Carson wuxuu ahaa dhaqtar caruurta qala, wuxuuna ka mid ahaa musharaxiintii xisbiga jamhuuriga uga qaybgalay tartankii madaxweyne 2016.

Dr Ben Carson waa nin madow balse muxaafid ah hase yeeshee hadalkiisan u danbeeyay ayaa noqday mid aad muran u dhaliyay.

 


2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now