Senator Bob Corker oo ka tirsan Senatka Maraykanka ayaa eedeeyay xanibaadaha la saaray Qatar dhaxal sugaha Sacuudiga.
"Taageerada Sacuudigi siiyay argagixisada ayaa ka badan tan Qatar lagu haysto" sidaa waxaa yiri Senator Bob Corker oo ah gudoomiyaha gudiga xiriirka dibada ee aqalka Senatka.
"Waxay runtii ahayd wax aad looga xunaado waxa Sacuudigu sameeyay kadib shirkii wayna ee dadkoo dhan laysugu keenay" oo uu ula jeeday shirkii Riyadh oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Maraykanka Donld Trump " Waa qalad qibrad la'aaneed oo uu ku kacay ninka leh dhaxalka Sacuudiga oo aan islahaa waa mustaqbalkii Sacuudigaa" ayuu ku daray hadalkiisa Senator Corker.
Senator Corker ayaa awood u leh inuu ishortaago hubka Maraykanku ka gado dalalka Khaliijka isagoo hore ugu hanjabay inuu ishortaagidoono in hubka laga iibiyo dalalkaas haddii aan khilaafka gacanka si diblomaasiyaadeed loo xalin.