Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Bob Corker oo ah Senator maraykan ah ayaa dhaliilay xanibaada Sacuudigu saaray Qatar.

- US senator Bob Corker criticises the Saudi crown prince for the blockade

Senator Corker ayaa awood u leh inuu ishortaago hubka Maraykanku ka gado dalalka Khaliijka isagoo hore ugu hanjabay inuu ishortaagidoono in hubka laga iibiyo dalalkaas haddii aan khilaafka gacanka si diblomaasiyaadeed loo xalin.
The Emir of Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, left, welcomes U.S. Secretary of State Rex Tillerson ..(Alexander W. Riedel/US State Department via AP) Source: US State Department

Senator Bob Corker oo ka tirsan Senatka Maraykanka ayaa eedeeyay xanibaadaha la saaray Qatar dhaxal sugaha Sacuudiga.

"Taageerada Sacuudigi siiyay argagixisada ayaa ka badan tan Qatar lagu haysto" sidaa waxaa yiri Senator Bob Corker oo ah gudoomiyaha gudiga xiriirka dibada ee aqalka Senatka.

"Waxay runtii ahayd wax aad looga xunaado waxa Sacuudigu sameeyay kadib shirkii wayna ee dadkoo dhan laysugu keenay" oo uu ula jeeday shirkii Riyadh oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Maraykanka Donld Trump " Waa qalad qibrad la'aaneed oo uu ku kacay ninka leh dhaxalka Sacuudiga oo aan islahaa waa mustaqbalkii Sacuudigaa" ayuu ku daray hadalkiisa Senator Corker.

Senator Corker ayaa awood u leh inuu ishortaago hubka Maraykanku ka gado dalalka Khaliijka isagoo hore ugu hanjabay inuu ishortaagidoono in hubka laga iibiyo dalalkaas haddii aan khilaafka gacanka si diblomaasiyaadeed loo xalin.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now