Booliska Turkiga ayaa qabtay nin jihaad doon ah looga shakisanaa inuu ka danbeeyay weerar habeenkii sanadka cusub soo galayay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taal Istanbul. Ninkan ayaa lagu qabtay xaafad magaalada ku taal kadib baadigoob mudo loogu jiray in lasoo qabto.
Ninkan ayaa la qabtay isagoo la jooga wiil 4 jira oo uu dhalay joogana aqal ku yaal xaafada Esenyurt iyadoo ay socdeen howlgalo balaaran oo lagu doondoonayo sida lagasoo xigtay Tv TRT
Ninkan ayaa dhuumaalaysi ku jiray mudo labo asbuuc ah kadib weerarkii uu ka gaystay kalaabka Reina kaasoo ay 39 ku dhinteen.
Warar ayaa hore u shaaciyay inuusan ka bixin Turkey iyadoo la adkeeyay ilaalada xadka si looga hortago inuu baxsado taasoo lafteedu dhalisay cabsi kale oo ah inuu ninkaas dilaagaa wali magaalada ku jiro.
Kooxda sheegata dawlada Islamigaa ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas dhiiga badan ku daatay taasoo ahayd markii u horeysay oo kooxdaas ay si rasmi ah u sheegato weerar wayn oo ka dhacay Turkey gudeheeda.
Waxaa isla kooxdaas lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen dhowr weerar oo ay ku jiraan 3 ismiidaamin ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Istanbul bishii June sanadkii lasoo dhaafay.
Howlgalka lagusoo qabtay ninkan ayaa waxaa wada fuliyay booliska Turkey iyo hayada sirdoonka ee MIT sida ay kusoo waramay TV Turkiga.
Warbaahinta Turkiga ayaa daabacay sawiro laga qaaday ninka la qabtay oo wajiga dhiig uga yaal oo nin boolis ah uu qoorta ka hayo.
TV ayaa waxaa ka muuqday sawiro ninkan oo askartu wado isagoo wajigiisu hoos u jeedo.
