Cutubka baarta dilalka ee Booliska Victoria ayaa sheegay inay baarayaan daruufaha ku hareeraysan dhimashada nin ku geeriyooday Heidelberg West maalintii Axada ahayd ee bishan October ahayd 16.
Booliska iyo Amabalaasta ayaa loogu wacay North Crescent wax yar ka hor 3.30 galabnimo kadib markii la sheegay in nin la tooreeyeeyay ama mindi lala dhacay.
Ninkan oo Boolisku ay ku sheegeen oo kaliya inuu 25 jir ahaa deganaana Xaafadda Thomastown ayay shaqaalaha ambalaastu isku dayeen inay badbaadiyaan balse isla goobta ayuu ky naf waayay.
Daruufaha la xariira dhacdadan ayaan wali cadayn sida laga soo xigtay Booliska Victoria, ilaa iyo haddana cidna looma xirin.
SBS Somali oo isku dayday inay faahfaahin dheeraad hesho ayuu Booliska Victoria u sheegay in wali ay wadaan baaritaanka dhimashada ninkan dhalinyarada ah.
Cidii war dheeraad ah haysa booliska ayaa ku boorinaya inay wacaan Crime Stoppers on 1800 333 000