Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Booliska Victoria maxay ka dheheen wiil ku dhintay Heidelbeg West?

Wiil 25 jir ah oo deganaa xaafadda Thomastown ayaa Axadii ku dhintay xaafadda Heidelbeg West.

Two men have been taken to hospital after being shot by police in Barnawartha North Wednesday afternoon.

Two men have been taken to hospital after being shot by police in Barnawartha North, Wednesday afternoon. Credit: Victoria Police

Cutubka baarta dilalka ee Booliska Victoria ayaa sheegay inay baarayaan daruufaha ku hareeraysan dhimashada nin ku geeriyooday Heidelberg West maalintii Axada ahayd ee bishan October ahayd 16.

Booliska iyo Amabalaasta ayaa loogu wacay North Crescent wax yar ka hor 3.30 galabnimo kadib markii la sheegay in nin la tooreeyeeyay ama mindi lala dhacay.

Ninkan oo Boolisku ay ku sheegeen oo kaliya inuu 25 jir ahaa deganaana Xaafadda Thomastown ayay shaqaalaha ambalaastu isku dayeen inay badbaadiyaan balse isla goobta ayuu ky naf waayay.

Daruufaha la xariira dhacdadan ayaan wali cadayn sida laga soo xigtay Booliska Victoria, ilaa iyo haddana cidna looma xirin.

SBS Somali oo isku dayday inay faahfaahin dheeraad hesho ayuu Booliska Victoria u sheegay in wali ay wadaan baaritaanka dhimashada ninkan dhalinyarada ah.

Cidii war dheeraad ah haysa booliska ayaa ku boorinaya inay wacaan Crime Stoppers on 1800 333 000


1 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now