Raysul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa booqashadiisii ugu horeysay ee si laba geesooda u dhacda, ku aadey wadanka Indonesia taasoo muujineysa muhimada uu siinayso wadanka Indonesia, isagoo Raysul Wasaaruhu uu arinkaas ku dhex sheegay kulamada uu Madaxweynaha Indonesia la yeeshey..
Anthony Albanese iyo Madaxweynaha Indonesian / Joko Widodo, ayaa kulankii ugu horeeyey ku kulmeen caasimada Indonesia Jakarta, iyadoo labada shacaba ay sugayaan in lahormariyo xidhiidhka labada wadan, iyadoo Albanese uu yiri “ Indonesia waxay ku socotaa wadadii ay ku noqon lahayd mid ka mid ah shanta waddan ee ugu dhaqaalaha badan aduunka. Dib u soo noolaynta xidhiidhkeena ganacsi iyo maalgashi waa mudnaanta dawladayda.”
Labada hogaamiye ayaa geed si wadajira u talaalay, ka dibna waxa ay wada qaateen laba baaskiil, iyagoo si tamashleyna isugu garab kaxeysanayey, wada sheekeysina ku dhex wateen, uguna soo wareegeen beerta madaxtooyada .
Baaskiilka ay wada qaateen labada masuul aya lagu macneeyey in ay tahay mid ka turjumeysa sida ay labada nin uga soo jeedaan dabaqad aan ahayn dabaqooyinka sare ee labada wadan, waana sida ay baaskiil kaxayntu ka dhiganyahay dhanqanka wadanka Indonesia, oo ah calaamad muujinaysa bilowga hoose ee nolasha Indonesianka.
Waxaana jirta in taariikh ahaan Madaxweyne Joko Widodo uu ahaa hogaamiyihii Indonesia ugu horreeyay ee la doorto ee aan ka imaanin ama aan kasoo jeedin magac ama dhinac siyaasadeed oo weyn , ama asal sare oo ciidan, sidaana uu ku yahay shaqsi calaamad u ah dabaqada dhexe. Dhankiisa Anthony Albanese ayaa isaguna - sida uu ololihiisii doorashada banaannka usoo dhigay – waxa uu hooyadiis kula soo koray guryaha ay dawlada Australia leedahay ee dadka dhaqaalahoodu hooseeyo ay dagaan. Albanese oo arintaa ka hadlaya waxa uu yiri "Aniga iyo madaxweynaha ma wadaagno oo keliya aragtida labadeena dal iyo sida ugu wanaagsan ee aan u wada shaqayn karno, sidoo kale waxaan wadaagnaa sheekooyinkayaga isla midka ah ee bilawga hooseeya, taasina waxay ahayd muhiimadda baaskiil wadista oo si qoto dheer ii taabatay."
Kulankan oo aha kuln Laba geesooda kii ugu horeeyey ee Ralsul Wasaare Albanese uu yeeshay, kuna yimid Indonesia, ayaa dhankiisa madaxweyne Joko Widodo uu si weyn usoo dhaweeyey booqashada Albanese, isagoo hadlayana waxa uu yiri "Waxaan ku faraxsanahay in Indonesia ay tahay booqashadii ugu horeysay, laba toddobaad ka dib markii laguu dhaariyay Ra'iisul Wasaaraha 31-aad, waxay muujinaysaa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada waddan."]
Kulankan heerkiisu sareeyo ayaa lagu qaadaa dhigay ganacsiga, maalgashiga iyadoo culayska la saaray Tamarta iyo isbedelka cimilada, balse xiisada siyaasadeed ee gobalka ka taagan ayaa iyaduna ka dhex muuqatay wadahadalada, isagoo madaxweynaha wadanka Indonesia Widodo uu cadeeyey in uu rajeynayo in gobalku uu sii haysto amaan iyo degenaansho.
Dhankeeda Wasiirada Arimaha dibada Australia / Penny Wong, ayaa mar sii horreysay, tilmaantay muhiimadda istiraatijiyadeed ee xoojinta xiriirka Indonesia ay leedahay, waxeyna tiri "Waxay ila tahay in qof kastaa fahamsan yahay in aan ku noolnahay xilli gobolka dib loo habeynayo, waxaana muhiim ah in dalalku ay iska kaashadaan sidii gobolku u ahaan lahaa mid nabad ah, barwaaqo ah oo ixtiraamaya madaxbannaanida."
Raysul Wasaare Albanese, ayaa isagoo muujinaya sida ay uga go'antahay in uu xoojiyo xidhiidhka labada wadan, waxa safartiisa ku weheliya wasiira dhawra oo ay ka mid tahay Senetorad Wong , iyo hogaamiyaalka Kambaniyada waawen sida Baanka dhexe ee Australia , Telestra , Wesfarmers iyo Golaha Ganacsiga Australia.
Baaxada ganacsiga Austraia iyo Indonesia udhaxeeya ayaa haatan gaadhaya 12 billion oo dollars sanadkiiba, iyadoo 2019 ay aheyd waqtigii ugu danbeeyey ee labada wadan ay heshiis ganacsi kala sixiixdeen, balse xukumada Albanese ayaa haatan dooneysa in ay sare u qaado heerka ganacsi ee labada wadan u dhexeeya.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in uu ka qeybgali doono shirka hogaamiyayaalka dalalka G20 laysku yiraahdo ee Indonesia ka dhici doona, inkastoo ay jiraan baaqyo ugu yeedhaya in la qaadaco kulankaas , sababtuna tahay in la filayo inuu ka qeyb gali doono shirkaas madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Raysul Wasaraha Australia oo cadeynaya sababta uu mar walbaba u tagayo shirka G20, ayaa yiri "Waxaan diirada saarayaa inaan la fadhiisto Madaxweyne Widodo, lamana fadhiisanayo Madaxweyne Putin. Danta Australia ayay ku jirtaa inaan xidhiidh wanaagsan la yeelano saaxiibadeena Indonesia.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa weli maalintii labaad booqasho ku jooga wadanka Indonesia, isagoo tagay jaamacad ku taalla magaalada Makassar. Anthony Albanese waxa uu sheegay in uu doonayo in uu arko is dhaafsi sare oo ardayda Indonesia iyo Australia.
Mr Albanese ayaa ku baaqay maalgashi guud iyo mid gaar ahaaneed oo lala yeesho Indonesia, iyadoo lagu wado Indonesia inay noqoto dalka shanaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka.