Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya Dr. Cabdiwali Sheikh Axmed & Prof.Cabdiraxman Cabdulahi Baadiyow oo todobaad booqasho ku joogay dalkan Australia ayaa waxay kulamo kala duwan laqaateen jaaliyada somalida ee Gobolada Victoria, Melbourne & NSW ,Sydney. Kulamadan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen socdaalo ay kumarayeen wadamada galbeedlka ee somalidu ay usoo maciin bidday dagaaladii waqtiga dheeraa qaatay ee dalka ka dahacay kadib. kulankii balaarnaa ee ay laqaateen jaaliyada Melbourne ayaa warmurtiyeed dhowr qodob kakooban laga soosaaray taas oo ugu horeysay in maalinta qaranka dalka somaliya ee 1da luulyo si wadajir ah jaaliyaduhu ay u xusaa.
Waxay sidoo kale safar gaaban ku tageen magaalada Sydney oo iyaduna ay kusoo dhaweyeen jaaliyada somaliyeed ee reer Sydney. kulan ay jaaliyadda Sydney soo qabanqabisay ayaa suaalo dhowr ah oo laxiriira xaalada iyo mustaqbalka dalka somaliya lagu waydiiyey. Sikastaba ha ahaatee siyaasiyiintan oo ku bahoobay dalad ay kumideysanyihiin dhowr siyaasiyiin oo ay sheegen iney isku hadaf kayihiin isbedel dhanka siyaasada in laga hirgeliyo dalka somaliya doorashada soo aadan.
Dr Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa kamid ah Musharaxiinta utartamaya xilka madaxtinimo ee Villa Somaliya waloow uu horey usoo noqday Raisalwasaare dawlada hada xilkeeda uu dhamaaday. Muddo 10 bilood ah ayuu xilkaas hayey kadib markii uu khilaaf siyaasaded uu soo dhex galay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud. Hadaba waxaa jira musharaxiin badan oo utartamaya xilka madaxtinimo ee dalka somaliya oo uu madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud uu kamid yahay.
Doorashada ayaa markale dib u dhacday iyadoo loo balansan yahay in la qabto 30 bisha November ee soosocota.
Halkan ka dhagayso warasi dheer oo ay SBS Soomaali siiiyeen Q 1aad, Q2aad
