Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Boostada Australia oo khasaartay sababa la xidhiidha warqada dirsigii oo yaraaday

Boostada Australia oo khasaartay sababtuna ay tahay in dadkii ay kasii yaraanayaa dirsiga warqadaha iyagoo isticmaalaya isgaarsiinta dhijitaalka ah.

A man posts mail

picte Source: AAP

Boostada Australia ayaa sheegtay inay soo saari doonto warbixinta khasaaraha boostada ee sanadkii 2022, tanoo ah markii ugu horaysay ee boostada Australia ay khasaarto tan iyo laga soo bilaabo 2015, iyadoo arintana ay sabab uga dhigtay hoos u dhaca ku yimid warqada dirsiga.

Shirkaddan Boostada oo ay dowladdu leedahay ayaa sheegtay in dakhliga ay boostadu soo xarayn jirtay uu hoos u dhacay boqolkiiba laba, khasaaraha ka dhashayna uu gaadhayo ilaa afar bilyan oo doollar, iyadoo dakhliga dhanka warqada dirsiga kasoo xaroon jirayna uu hoos u dhacay boqolkiiba shan, iyadoo khasaaruhuna lacag ahaan gaadhayo ilaa 881-milyan oo doollar.

Madaxa Boostada Australia Paul Graham ayaa sheegay in Hay’ada Boostada Australia ay ku jirto marxalad adag sababtoo ah tartiib tartiib u dhimashada warqada dirsiga iyo sare usoo kaca isticmaalka dhijitaalka.


1 min read

Published

Presented by Mohamed A Madar.

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now