Ninka ugu cadcad hogaanka UK Boris Johnson ayaa lagu dhaliilay hadal uu ku sheegay in diinta Islmaku ay dunida Muslimka qarniyo dibudhac ku keentay.
Waxaa maalinta Talaadada 15 July soo baxay in siyaasiga muxaafidkaa uu qoray 2007 in diinta kusii xoogaysanaysa bariga dhexe ay caqabad ku tahay hurumarka gobolka.
Qoraalkan oo cinwaankiisu ahaa "And Then Came the Muslims" ayuu sidoo kale ku sheegay in cabasho muslimiintu qabaan ay qayb ka tahay dagaalada caalamka intooda badan.
Isagoo sii wata ayuu yiri "Markii dunida muslimiinta dibudhac ku yimaadaba waxaa sii bata carrada ilaa la gaaray in meelkasta oo dagaal ka dhaco kasoo bilow Bosnia, Falastiin, Ciraaq iyo Kashmir waxaa sabab u ah cabasho Muslimiintu qabaan.
Waxaa la gaaray ayuu yiri "Waqtigii laga gungaari lahaa eedaha waliged jiray oo ay ka hadleen Winston Churchill iyo baadariga madhabta Kaatoogi oo ah in dhibaatada saxdaa ee haysata dunida Muslimka ay tahay Islamka laftiisa.
Golaha Muslimiinta Britan ayaa si kulul uga jawaabay iyagoo sheegay in "Dabcan waxaan aaminsanahay in Islamku qayb ka qaatay horumarka iyo barwaaqada ama ha noqoto dunida Muslimka amaba halkan Galbeedka.
Mr Johson oo hore u ahaa wasiirkii arimaha dibada iyo duqa magaalada London ayaa ah nin lagu yaqaano hadalo muslimiinta ka caraysiiya.
Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sheegay in niqaabku yahay wax laga yaqyaqsado, haweenka qaatana u ekaysiiyo sanduuqa yar ee waraaqa lagu rido iyo sidii tuugo wax dhacaysa oo wajiga soo duubtay, hadalkaas oo ay muslimiintu caro wayn ka muujiyeen.
Mr Johnson ayaa ah ninka loo badinayo inuu badalo Theresa May oo xilka ika degaysa bishan kadib markii ay ku guuldaraysatay inay heshiis Uk uga baxdo midowga Yurub baarlamaanku ansixiyo.
Ku dhawaad 160 kun oo xubnood oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya ayaa kala dooranaya Mr Johson iyo wasiirka arimaha dibada Jeremy Hunt inuu hogaamiyo xisbiga sidaasna ku noqdo Raiisul Wasaaraha dalka.