Raiisul wasaaraha Britan ahna hogaamiyaha xisbiga muxaafidkaa Boris Johnson ayaa la saadaalinayaa inuu ku guulaystay aqlabiyada kuraas gaaraysa 86 doorashada guud ee dalkaasi ka dhacday taasoo siinaysa xubnaha baarlamaanka ee ugu baahan yahay inuu UK uga saaro Midowga Yurub bisha soosocota.
Cod aruurin laga qaaday dadka kasoo baxayay goobaha codbixinta ayaa muujinaya in muxaafidiintu helayaan 368 kuraas taasoo ugu filan inay iskood aqlabiyad ugu yeeshaan aqalka baarlamaanka oo ka kooban 650 kuraas.
Xisbiga Laborka ayaa la saadaalinayaa inuu ku guulaysto 191 kuraas halka xisbiga Scottish National Party lagu wado inuu helo 55 kuraas, Liberal Democrats 13.
Guusha la saadaalinayo ee Mr Johnson ayay u badan tahay inay keento inay soo afjarto 46 sano oo UK ay qayb ka ahayd Midowga Yurub taasoo dalkan qaadsiinaysa wado cusub oo mustaqbalka ah oo xiriir dhow uu la yeesho Maraykanka iyo dalal kale oo ay xulufo yihiin.
Stefan Hay waa cod bixiye muxaafid ah oo degan kursiga lagsoo doorto RW ee Uxbridge and South Ruislip.
"Ama jeclow ama ha jeclaan Boris Johnson, waxay ila tahay inuu leeyahay awood hogaamiyenimo. Waxay ila tahay inuu yahay qofka ugu fiican ee shaqadan qaban kara" ayuu yiri.