Weerar uu ku dhintay Sisto Malaspina oo aad looga jeclaa Melbourne oo ka dhacay Bourke Street sadex sano ka hor wuxuu ahaa fal argagixiso oo ula kac ah.
John Cain oo ah dhaqtarka baara sababta dhimashada keentay (coronar) ayaa maanta soo bandhigay natiijada baaritaanka uu ku sameeyay weerarka uu fuliyay Hassan Khalif Shire bishii November 2018.
Mr Cain ayaa baaritaanka ku ogaaday in weerarka uu ka dhashay wiilkan oo aaminsanaa xagjrnimo iyo inuu daacad u ahaa kooxda ISIS.
Inkastoo ay dhici karto in la gafay fursado weerarkan looga hortagi karay, Xaakin Cain ayaan hubin in halka uu ku socday Mr Shire laga weecin karay haddii daldaloolada sirdoonka la buuxin lahaa oo qatarta ka iman kartay si kale loo qiimayn lahaa ama aan damaanad lagu siidayn lahayn todobaadyo ka hor.
Mr Malaspina, ayaa la-malkiile ka ahaa Pellegrini's Espresso Bar, ayaa ka mid ahaa 3 qof oo uu ku mindiyeeyay weerarkaas Mr Shire Ali oo loo arkayay inuusan qatar wayn ahayn amniga qaran.
Weeraka ayaa bilowday 4tii galabnimo bishii Nofember markii Shire Ali uu dab qabad siiyay taangiga gaaska gaarigiisa.
Rod Patterson oo goob joog ahaa ayaan aaminsan in odaygu uu ku orday gaariga si uu u caawiyo ninka leh markuu Mr Shire mindiyeeyay isagoo isticmaalayay mindi 22cm dhererkeedu yahay.
Shire Ali ayaa awood u sheegtay Mr Malaspina, isagoo labo jeer tooray la dhacay kadibna eryaday Shadi oo ahaa nin waardiye ah kadibna mindi ku dhuftay.
Kadibna wuxuu ku jeestay booliska oo markii hore isku dayay inay mindida ka dhigaan ka hor inta aysan xabad ku dhufan.
Shire ayaa mar danbe ku dhintay cisbitaalka.
Xaakin Cain ayaa baaritaanka ku ogaaday in falka Shire uu ahaa fal argagixiso oo ula kac ah oo la sii qorsheeyay oo aaminsaa aragtiyada kooxda ISIS.
Wuxuu sheegay in talaabada ay qaadeen shacabka iyo askartuba ay ahaayeen kuwo geesinimo ah.
Wuxuu sidoo kale ogaaday in isticmaalka boolisku ay xabad fureen ay ahayd mid ku haboon daruufta jirta.
Go'aanka lagu maaranayay Shire Ali oo lagu qiimeeyay inuusan qatar wayn ahayn amniga qaran ayaa ahayd mid lagu deg degay maadaama ay jireen daldaloolo dhanka sirdoonka ah.
Wuxuu sidoo kale ogaaday in inkastoo ay yartahay cadaymo muujinaya inuu qabay xanuunka dhimirka laakiin aan meesha laga saari karin inuu xanuun maskaxda qabay marka uu weerarka fulinayay.
Xaakinka ayaa kula taliyay booliska Victoria inay dibu eegid ku sameeyaan waxna laga badalo siyaasada la xariirta shaqsiyaadka loo shakiyo inay qatar ku yihiin amniga qaran.
Taliyaha Booliska Victoria Shane Patton ayaa sheegay in dibu eegid madax banaan oo ku saabsan sida haydaha sirdoonku u wadaagaan macluumaadka sirdoonka ay haddaba socoto.