Maalinta Boxing Dayda ee 26/12, waa maalin si guud Australia gudaheeda si aada dadku ay u dukaamaystaan.
Maanta ayaa la filayaa Australia gudaheeda, in lacagta dukaamaysigu ay gaadho 2.5 billion oo dollar.
Dadka qaar ayaa iyagu sii hor tubnaa goobaha ganacsiga hortooda, oo iyagu sida caadada ah aroor hore lasii furo, waqtiga 5am.
Dadka macaamiisha ah ayaa iyagu filaya in ay maanta oo kale ku helaan waxa ay gadanayaan sicir aad u jaban, iyaga oo mararka qaar ay dhacdo in dad badani ay tabaabushaysi usii galaan si ay maalinta Boxing Dayda dukaamaysi fiican u samaystaan.
Sicirka oo aad u hooseeya inta badan, ayaa ka mida waxa macaamiishu ay aadka u danaynayaan maanta oo kale, dhaqan ahaana ay tahay maalin dadku ay dukaamaystaan, iyada oo ay weheliso in shaqooyinka fasax lgaga jiro, oo dadku ay feestaysanayaan.