Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Qiimaynta dukaamaysiga Boxing Dayda ee Australia.

Qiimaynta dukaamaysiga Boxing Dayda ee Australia.

Boxing Day
Source: SBS

Maalinta Boxing Dayda  ee 26/12,  waa maalin  si guud Australia gudaheeda  si aada dadku ay u dukaamaystaan.

Maanta ayaa la filayaa Australia gudaheeda, in lacagta dukaamaysigu ay gaadho 2.5 billion oo dollar.

Dadka qaar ayaa iyagu sii hor tubnaa goobaha ganacsiga hortooda, oo iyagu sida caadada ah aroor hore lasii furo, waqtiga 5am.

Dadka macaamiisha ah ayaa iyagu filaya in ay maanta oo kale ku helaan waxa  ay gadanayaan sicir aad u jaban, iyaga oo mararka qaar ay dhacdo in dad badani ay tabaabushaysi usii galaan si ay maalinta Boxing Dayda dukaamaysi fiican u samaystaan.

Sicirka oo aad u hooseeya inta badan, ayaa ka mida waxa macaamiishu ay aadka u danaynayaan maanta oo kale, dhaqan ahaana ay tahay maalin dadku ay dukaamaystaan, iyada oo ay weheliso in shaqooyinka fasax lgaga jiro, oo dadku ay feestaysanayaan.


1 min read

Published

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now