Bush fire updates

A supplied image obtained on Tuesday, December 31, 2019 showing a firefighting helicopter tackling a bushfire near Bairnsdale in Victoria?s East Gippsland region, Australia. Picture: (AAP IMAGE/State Government of Victoria) NO ARCHIVING

A firefighting helicopter tackling a bushfire near Bairnsdale in Victoria's East Gippsland region. Source: STATE GOVERNMENT OF VICTORIA

Premierka gobolka Victoria ayaa sheegay in 17 qof wali la la'yahay kadib masiibada dabka ka gubanayay bariga Gippsland maalintii Talaadada.

Booliska ayaa wali xaqiijin haybta mayd la helay laakiin waxaa lasoo wariyay in Buchan Mick Roberts uu gurigiisa ku dhintay.

Wado ayaa loo baneeyay si looga caawiyo cidkasta oo ka qaxaysa agaas iyadoo kulayl dheeraad ah la filayo maalmaha Jimcada iyo Sabtida.

Premier Daniel Andrews ayaa sheegayin walaac wayn laga qabo nolosha dadka maqan.

"Dad gaaraya 17 ayaan la ogayn meesha ay jiraan iyo mid la xaqiijiyay inuu geeriyooday. Haddii aan macluumaad dheeraad ah helnana waan idinla socodsiinaynaa. Macne ma samaynayso inaan goobaha ay dadkaas kala yimaadeen sheegno laakiin waxay ka wada maqan yihiin bariga Gippsland. Tiradaas inay sii korodho ayaa laga yaabaa," ayuu yiri Daneil Andrew.

Dhanka kalana Raiisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in jawaabta laga bixiyay dababka ay si fiican isaga kaashanayaan dawlada federalka iyo kuwa goboladu.

Mr Morrison ayaa dhaliilo uga imanayeen xisbiyada Greenka iyo Laborka sida uu uga howlgalay xaalada degdegaa ee dabka iyadoo Laborku codsaday shir degdeg ah oo gobolada iyo federalku yeehaan halka Greenku dalbaday gudi qaran.

Scott Morrison ayaa sheegay inuu fahmikaro sababta shacab badan oo Australian ah ay u walaacsan yihiin laakiin wuxuu intaa duray in loo baahan yahay in dadka xirfada u leh loo ogolaado inay shaqadooda qabsadaan.

"Waa fahmi karaa wareerka, waa fahmi karaa walaaca. Waa fahmayaa cabsida laakiin waxaan kaloo fahmayaa baahida loo qabo in dadka xirfada u leh iyo quburada loo ogolaado inay shaqadooda qabsadaan oo lana siiyo taageero kasta oo ay u baahan yihiin."


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Bush fire updates | SBS Somali