Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa xoog ku galay guriga uu ka daganaa magaalada Muqdisho C/raxmaan C/shakuur, oo horay usoo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Soomaalia, kana mid ahaa murashaxiintii madaxtinimada kula tartantay madaxweyne Farmaajo.
Guriga uu deganaa C/raxmaan C/shakuur, ayaa la sheegay in uu ku yaalo agagaarka Aljazeera, halkaasoo kadibna ay ka kaxaysteen isaga iyo nin kale oo la joogay waqtigaas.
Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya, in Ciidamada Nabad Sugida iyo ilaaladii C/raxmaan, ay is dhaafsadeen tacshiirad, halkaasna ilaaladiisii loo taag sheegtay, laguna dhaawacay C/raxmaan C/shakuur, laba ilaadiisa ka tirsana ay ku dhinteen, iyadoo haatan aan war cad laga haynin xabsiga loo taxaabay.
Weerarkan C/raxmaan C/shakuur, lala beegsaday, ayaa dhinacyada qaar waxa ay la xidhiidhinayaan eedaymihii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka / Axmed Cali Daahir, uu u jeediyay maalintii Axada 17/12/2017, labada xildhibaan ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kalana ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye, isaga oo ku eedeeyay : in ay wadeen abaabul sharci dara ah, oo ay rabeen in ay qaranka ku dumiyaan, iyagoo dalal shisheeye arintaas dhaqaale kaga soo qaatay.
Warkan ayaa wax uu intaas ku darayaa, in labada xildhibaan mid ka mida uu la joogay waqtigii C/raxmaan C/shakuur, guriga lagala baxayay, basle aan wax wara laga haynin waxa ay ciidamadu ka yeeleen xildhibaankaasi.
Ilaa iyo haatan lama hayo war rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Nabad Sugida ee Soomaaliya, oo ku saabsan sababta hawlgalkan loogu fuliyay C/raxmaan C/shakuur, balse waxaa jira, in uu ka mid ahaa koox mucaarad ku ah Xukuumada Khayre, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin culays leh, iyo xubna baarlamaan, oo iyagu qorshaynayay in ay mooshin ka dhana xukuumada khayre abaabulaan.
Wixii warar ah ee kasoo baxa arintan, kala soco baraamijta danbe ee Laanta Afsoomaaliga ee idaacada SBS. sbs.com.au/somali