Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu saarayo dawlada federalka Australia inay wax ka qabato xadka Australia la wadaagto caalamka oo xiran.
Ku xigeenka RW Australia Michael McCormack ayaa ka codsaday madaxda dawlad goboleedyahda inay qaabilaan dadka Australianka ah ee dalka dibadiisa ka soo laabanaya.
Dawlada federalka ayaa wadda qorshe ay ku kordhinayso tirada dadka asbuucii ku soo laaban kara dalka oo hadda ah 4 kun lana gaarsiiyo 6 kun asbuuciiba.
Tobanaan kun oo Australian ah ayaa ku xaniban dalal shisheeye iyadoo shirkadaha diyaaraduhu kansaleen duulimaadyo kadib markii la xadeeyay tirada dadka soo noqonaya.
25 kun oo qof ayaa ku xanibana dalka dibadiisa.
Hogaamiyaha mucaaradka Laborka Anthony Albanese ayaa ugu baaqay dawlada federalka inay isticmaasho milatariga si looga caawiyo inay si amaan ah dalka ugu soo laabtaan.
"Ra'iisul Wasaaraha iyo Governor General-ku waxay labaduba leeyihiin diyaarado waaweyn oo awood u leh in dadkaas lagu soo daad gureeyo. Waxaa kaloo jira diyaarado yaryar oo gobolka u kala duuli kara. Diyaaradahaas way iska fadhiyaan. Waxaa kaloo jira suurogalnimada in la kiraysto diyaaradaha waaweyn ee Qantas. Waa in caqligu shaeeyaa," ayuu yiri Mr Albanese.
Waxaa kaloo jira baaqyo lagu doonayo in xerada qaxootiga lagu hayo ee Christmas Island iyo xero kale oo ku taal duleedka Darwin loo isticmaaloo in lagu karantiilo dadka dalka dibadiisa ka soo noqonaya.