Live

Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

Calls to increase Newstart Payment

Australian Council of Social Service (ACOSS) CEO Cassandra Goldie .
ACOSS CEO Cassandra Goldie has renewed calls to increase the Newstart allowance. (AAP) Source: AAP

Golaha adeega bulshada Australia ((ACOSS)) ayaa ugu baaqday in la kordhiyo lacagta la siiyo dadka shaqo la'aanta ah. Waxay ku tilmaameen in lacagtan yar ay tahay ceeb qaran.

Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkada wayn ee xisaabaadka Deliotte ayay ku ogaatay in haddii lacagtan lagu kordhiyo 75 oo doolar asbuucii inay kobcin karto dhaqaalaha dalka iyo magaalooyinka yaryar.

Madaxa golaha ACOSS  Cassandra Goldie ayaa sheegtay inay doonayso inay labada xisbi ee waaweyn ay balanqaadaan kordhinta lacagtaas.

(("Waxaa jira 2 meelood sadex dadka waqtiga dheer shaqo la,aanta ahaa oo isku dayay inay suuqa shaqada kusoo noqdaan oo ku nool 39 doolar maalintii taasina bulsho ahaan waa burbur, waa waxaan la aqbali karin, dal ahaana waa ceeb qaran"))

Hadda qofka kaligiis ah ee ka da'diisu ka wayn  tahay 22 sano waxaa la siiyaa 545.80 oo doolar labadii asbuuc.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now