Afar caruur ah ayaa geeriyooday kadib shil ka dhacay goob caruurtu ay ku boodboodaan ku taala iskuul hoose oo ku yaal woqooyi galbeedka Tasmania.
Taliyaha booliska Tasmania Darren Hine ayaa xaqiijiyay in afarta kale oo caruur ah xaaladoodu daran tahay, midkoodna aad u liito oo uu ku jiro cisbitaal.
"Waxay ahaayeen arday dhigata fasalka lixaad. Booliska iyo adeegyada degdega ah ayaa goobta gaaray 10 kii subixnimo iyadoo ay dhacayeen dabaylo sida la sheegayna ay keentay in waxyaalihii caruurtu ku boodboodayeen ay cirka u duulaan. Booliska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa gargaar goobta ugu fidiyay dadkii dhaawacmay. Maanta oo caruurtu u dabaaldegayeen dhamaadkii iskuulka, waxay taa badalkeeda noqotay in laga murugoodo geeridooda," ayuu yiri taliyaha boolisku.
Premier Peter Gutwein ayaa sheegay in dawladu taageero buuxda siinayso qoysaska, iskuulka iyo bulshada xaafada degan.
"Waa ogahay inaan magaca reer Tasmania ku hadlayo markaan iraahdo murugada waan la wadaagaynaa waana u ducaynaynaa qoyasaka,saaxiibada iyo dadkii ay ka dhinteen afarta caruur ee nasiib daro geeriyooday," ayuu yiri Mr Gutwein.
Baaritaanka shilkan ayaa socda waxaana natiijada la horgayndoonaa dhaqtarka baara sababta keentay dhimashada.