George Pell oo ah baadari Kaatoolig ahaa ayaa lagu helay danbi ah faroxumayn caruur oo waqti hore dhacay kadib maxkmad uga socotay Melbourne.
Baadari George Pell ayaa amr ahaa ninka sadexaad ee ugu sareeya Vatican oo ah halka laga xukumo madhabta Kaatooliga wuxuuna sidoo kale ahaa baadariga ugu sareeya Australia ee madhabta Kaatooliga .
Xeer beegta ayaa isku raacday inuu baadarigan danbiga galay 11 December laakiin hadda ayaa lasii daayay go'aanka kadib markii la qaaday xanibaad saarnayd in laga hadlo.
Pell ayaa fasax uga maqnaa shaqadiisa Vaticanka oo uu ka ahaa qasnaji waxaan inta xabsi ee uu mutaysanayo lagu dhawaaqi doonaa Arbacada..