Centrelink ayaa 21 kun oo qoys u dirtay daymo aan jirin sanadkii lasoo dhaafay, sida ay dawladu qiratay.
Hayadan cayrta ayaa dirtay 65 kun oo waraaqo ay ku dalbanayso in daymo dibloosoo bixiyo bishii Novenber ee 2016 laakiin 21, 400 oo ka mid ah qoysaska loo diray waraaqahaas daynta ah waxay cadeeyeen inaysan Centrelink wax lacag ah ku lahayn.
Wasaarada ay hoos timaado centrelink oo ah wasaarada adeega dadweynaha ayaa qaladka dhacay ku sheegtay in waraaqihii la diray 30% qalad ahaayeen, waxayna wasaaradu sheegtay inay markiiba qaaday talaabooyin ay kula xariirayso macaamiishaas.
Laakiin xisbiga Laborka ayaa weerar afkaa ku qaaday arintan u danbaysa ee dayn soo celinta, iyagoo sheegay in wax wayn ka qaldan yihiin centrelink, dad daacad ah oo Australian ah oo shaqaysatana loogu cagajugleeyahay inay lacag bixiyaan.
Hayada Centelinka ayaa baryahanba waxaa soo wajahay dhaliilo uga imanayay nidaamka cusub ee ay sheegtay inay lacago dad lagu leeyahay ay kusoo ceshanayso.
Nidaamkan cusub ayaa ah in computerada Centrelink iyo hayada canshuuraha laysku xiray oo macluumaadka qofka labadaba si Automatic isugu fiirinaysa haddi isqilaaf jirana computerka ayaa warqad u diraya qofka oo lagu leeyahay soo cadee arintaas ama iska bixi lacag intaa le'eg ayaa lagugu leeyahay.
Waxaase dhacday in Computerku dad badan si qalad ah waraaqo ugu diray.
Dawlada ayaa wali ku adkaysanaysa in nidaamkan uusii socondoono halka xisbiyada mucaaradku ay doonayaan in dhamaanba la hakiyo.