Waxaa magaalooyin dalka Soomaaliya ah faro kulul ku haya xanuun dad badan la kici la'yihiin. Xanauunkan ayay Soomaalidu u bixisay Kaduudiye, haddaba muxuu yahay Kaduudiye.
Kaduudiye ama Kaduudshe waaa xanuun uu keeno fayruska Chikungunya, qofka uu ku dhaco ayaa waxaa lagu gartaa calaamado ay ku jiraan qandho soo boodo ah oo aad u daran oo dadka haynkarta maalmo ama asbuuc inta u dhaxaysa. Wuxuu sidoo kale leeyahay daal badan, labolabo iyo on qofku sariir ku aruuro oo uu kiciwaayo.
Sida kaliya ee xanuunkan wax looga qaban karo waa in qofku nasasho badan helo. Cudurkan inta badan looma dhinto, halista ugu badanse waxay gaartaa dadka da'da ah.
Xanuunkan oo afka qalaad lagu yiraahdo Chikungunya Virus ayaa waxaa keena qaniinyada kaneecada, waxaana inta badan laga helaa dalalka cimilada tropicalka leh sida Koofurta Asia, Caribeanka, America iyo bariga Africa.
Magaca xanuunka "Chikungunya" asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: "qallooc u socod", qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qaloociyaa xanuunka dartiis.
xanuunkaan ayaan lahayn ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada.
Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab'iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa,(dehydration).
Waana inuu qofku helo nasiino. Maadaama uusan daawo lahayn waxba kuu tari mayso haddaad qaadato daawo antibiotic ah.
Dadka u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin.
Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqdhaqaaquna wuu uga sii daraa qofka.