China ayaa sharciyaysay isticmaalka xeryo dhaqancelin oo ku yaal gobolka galbeed ee Xinjiang. Sharcigan ayaa la rajaynayaa in wax looga qabto waxay ay ugu yeertay xagjirnimada Muslimiinta Uighurs.
Kooxaha u dooda xaquuqul binaadanka ayaa sheegay in dadka halkaa lagu xiro lagu qasbo inay ku dhaartaan inay daacad u yihiin madaxweyne Xi Jinping oo ay dhaliilaan diintooda ama isaga baxaan diinta.
Bishii Agoosto ayay China dafirtay eedo ahaa inay xirtay ku dhawaad hal malyan oo qof.
Laakiin saraakiil Chinese ah oo ka qaybgashay kulan xaquuqul binaadanka looga hadlayay oo QM qabatay ayaa qirtay in Muslimiinta Uighur oo ay qaldeen xagjiriinta waa sida hadalka ay u dhigeene la marsiinayo dhaqancelin iyo dibudejin.
Maamulayaasha gobolka ayaa sidoo kale bilaabay olole ay ugasoo horjeeda cuntooyinka xalaasha ah.