Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Munaasabada Christmaska ee Australia.

Munaasabada Christmaska ee Australia.

Malcolm Turnbull meets and greets the guests.
Malcolm Turnbull meets and greets the guests. Source: AAP

Wadanka Australia ayaa ka mida wadamada sida weyn looga dareemo dabaaldegyada Christmaska ee 25 December, iyada oo dadku ay siyaaba kala duwan u qaataan maalinkoodaas.

 Qofka manta oo kale banaanka usoo baxa ayaa dareemaya saamaynta ay Christmasku ku yeelatay nolol maalmeedka dadka, iyada oo shaqooyinka dadku badanaa ay fasax ka yihiin, jidadkana aan lagu arkaynin baabuur ama dad badan iyo ganacsi xoogan intaba.

Sababta ayaa  waxa ay tahay, dad badani in ay reerahooda booqasho u aadaan, halkaana ay qoyska maalinkaas la qaataan. Halka ay qaar ooga faa'iidaystaan  in ay aadaan meelaha ay jecelyihiin, sid xeebaha ama meelaha bilicda leh oo kale.

Dad badan ayaa iyagu aroornimadii saaka ku bilowday in ay ka qayb galeen kulan-cibaadeed ay kaniisaduhu subaxnimadii hore qabteen, iyaga oo halkaas kusoo qaatay duurs ruuxi ah, oo baadariyaalku ay dadka raacsan u jeediyeen.

R'aiisul wasaare Malcolm Turnboll, ayaa isagu ku qaatay saacadihii hore ee aroornimada, isaga oo dadka hoy la'aanta ah ee ku dhaqan Wayside Chapel ee magaalada Sydney kala qayb galay qureec loo sameeyay, isla mar ahaantaana uu laf ahaantiisu ka adeegay, isaga oo farxada la wadaagay dadkii hakaas isugu yimid.

Baadariyada Kaniisadaha ayaa iyagu ooga faa'iidaysta maalinta Christmas ka in ay dadka si guud ay oogu baraarujiyaan, in ay ku xidhnaadaan kaniisadaha, si ay duruusta ruuxiga ah ay u qaataan.


2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now