Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya – oo gacan ka helaya kuwa deegaanka - ayaa si buuxda ula wareegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Magaaladan ayaa ah magaala istraatiijiyad leh iyadoo ku taala Badweynta Hindiya.
Xarardheere ayaa noqoneysa magaaladii labaad ee ay ciidanku gacanta ku dhigaan, isku maalina qabateen magaalada Galcad, iyadoo wax dagaalana uusan ka dhicin kadib markey iskaga baxeen Shabaabku.
Magaalada Xarardheere ayaa aheyd magaaladii ugu istiraatiijiyada badneyd ee ay gobalkaas shabaabku ka haysteen, iyadoo ay gacntooda ku jirtay wax ka badan 10 sano.
Wasiirka gaashaan-dhiga Soomaaliya Cabdiqadir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay awood u heleen iney ka qabsadaan magaalada Alshabaab, iyagoo ka dulqaaday shacabka Soomaaliyeed culeyska uu shabaabku ku hayey in ka badan 10 sano. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la xoreyn doono dhamaan magaalooyinka Galgaduud ee Alshabaab gacanta ugu jirta .
Waxaa la rumeysanyaha in magaalada Xarardheere ay ka mid aheyd magaalooyinkii ay shabaabku ugu hor qabsadeen, iyagoo ka dhigtay xarumaha ugu mihimsanaa ee saldhiga u ahaa, ayna dagaalada kasoo abaabuli jireen.
Qabsashada magaalada Xarardheere ayaa ciidanka Soomaaliya uga dhigan guul ciidameed, iyadoo ay gaadheen cidhifka bari ee gobolada dhexe ee Soomaaliya, taasoo awood u siinaysa ciidanka ineey isu furnaadaan dowalad goboleedka PuntLand oo ku taala waqooyi bari, sidoo kalena ay magaalada Gaalkacyo si toosa isugu xidhmaan.