Safka loogu jiro qaadashada dhalashada Australia ayaa aad usii dheeraaday iyadoo safkaas uu kordhay in ka badan 300% intii ay dawlada Turnbull talada dalka haysay, taaso keentay in soogalooti dadka sanado badan joogay aysan xaq u lahayn daymaha wax lagu barto, baasaboor qaadan karin, aysana xaq u lahayn inay codeeyaan iyadoo doorashadii federalku soo dhawdahay.
Tiro lagasoo xigtay wasaarada arimaha gudaha ayaa muujinaysa in tirada dadka deganaanshaha haysta oo sugaya in dhalasho la siiyo ay ka kordheen 27 kun ayna gaareen inta isbahaysigu talada hayay 190 kun iyadoo 140 kun ay ku darsan tahay inta Raiisul wasaare Turnbull xafiiska hayay.
Soogalooti badan ayaa ku jira xaalad quus ah maadaama hakad galay qorshe ay ku doonayeen inay waxbartaan, codsadaan shaqooyin dawladeed oo loo ogol yahay oo kaliya dadka dhalashada haysta, ama aysan dalban karin xubnaha qoyskooda ee dibada dalka ku sugan.
Dooda ku saabsan soogalootiga ayaa cirka isku shareertay shalay markii siyaasiyiinta labada dhinac ay canbaareeyeen hadal uu jeeiyay Senator Fraser Anning oo doonaya in Australia dib loogu celiyo waqtigii cadaanka oo kaliya dalka loo ogolaa inay degaan.
Dadka haysta deganaanshaha ayaan loo ogolayn inay codeeyaan ama codsadan shaqooyinka dawlada.
Safkaan sii dheeranayaa ayaa inanaya iyadoo dawladu isku dayday inay soo rogto imtixaano luqadeed oo adag iyo kuwo lagu sheegay in qofka leeyahay qayimka Australia.
Qorshahaas ayaase u mariwaayay dawlada aqalka senatka, dad ayaa aaminsan in dawladu wali doonayso dariiqyo kale oo ay ku adkayso dhalashada dalka qaadashadeeda.
Wasiirka muwaadinimada Alan Tudge ayaa sheegay inay dhowr arimood ay sabab u yihiin waqtiga dheer ee la sugayo jawaabta iyo safka sii dheeranaya.
Tan koowaad ayuu yiri waxaa aad u kordhay dadka codsanaya dhalashada oo heer aan hore loo arag gaaray.
Tan labaad waxaa jira ayuu yiri qatar xaga amniga qaran ah oo aan hore u jiri jirin.
Tan sadexaadna waxaa waqti badan howsha 50 kun oo qof oo doonyo si sharcidaro ah ku yimid waqtigii Rudd_ Gillard ay xilka hayeen.