Matildas (Xulka Qaranka Kubada Cagta ee Haweenka Australia) ayaa xalay Arbacadii (16/08/2023) ciyaartii semi-finalka ay xulka England ugaga reeyay 3-1.
Matildas ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay wajahdo Sweden sabtida [[August 19]] ka dib markii guuldaradaas ay Xulka Qaranka Kubada Cagta ee England ay gaadhsiiyeen.
Xulka qaranka Australia ayaa ku wajahan Brisbane iyaga oo rajaynaya in ay ku guulaystaan bilad taariikhi ah oo kaalinta saddexaad ah(bilada Maarta).
Tababaraha Matilda Tony Gustavsson ayaa sheegay in aysan jirin waqti loo baroor diiqo khasaarihii soo gaadhay, sababtoo ah waqtiga la haysto ayaa ah hal maalin, isagoo sheegay in ay tahay in xusuusta uu khasaaruhu keeney in ay tahay in laga talaabsado, xoogana la saaro ciyaarta nagu soo aadan ee kaalinta sadexaada.
Matildas soo gaadhida ay kalintan soo gaadheen ayey taariikh ku dhigeen, iyagoo noqday Xulkii Qaran ee Kubada Cagta Australia kii ugu sareeyey ee FIFA World Cup kaalintan kasoo gaadha rag iyo dumarba .
Dhinaca kale, semi-finalka Koobka Adduunka Haweenka ee Matildas iyo England ayaa dhigay rikoorka daawadayaasha TV-ga.
Daawashada ciyaarta ayaa dhigtay taariikh, iyadoo noqtay barnaamijka TV-ga loogu daawashada badanyahay tan iyo nidaamka cabbiraadda daawadayaasha markii la bilaabay 2001dii.
Seven West Media ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in baahintaasi ay soo jiidatay celceliska daawadayaasha qaranka oo dhan 7.13 milyan oo daawadayaal ah, kuwaas oo wadartoodu tahay 11.15 milyan oo daawaday ciyaarta.
Baahinta ayaa soo jiidatay daawadayaal ka badan dadkii fiirsaday ciyaartii guusha ee xiisaha lahayd ee quarterfinal-kii Matildas iyo France, taasoo diiwaangelisay celceliska daawadayaasha 4.17 milyan.
Daawadayaasha la diiwaan galiyey waa kaliya dadka guryaha ka fiirsaday ciyaarta, kumana jiraan kuwa ka fiisadey meelaha banaanka sida baararka iyo meelaha sida wadajirka ah ciyaaraha loogu fiirsado sida groomada ciyaaraha.