Xoghayihii hore ee arimaha dibada Maraykanka sidoo kalana ahaa madaxii taliyayaasha xooga dalka Colin Powell ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay inuu u codayndoono Joe Biden oo ah musharaxa xisbiga dimoqraadiga doorashada madaxweyne ee bisha nofember ka dhacaysa dalka.
Waraysi uu siiyay telefishinka CNN ayuu Colin Powell codkiisa ku biiriyay tiro jeneraalo howlgab ah iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Maraykanka oo canbaareeyay madaxweyne Trump markuu ku hanjabay inuu ciidanka milatariga u isticmaalayo sidii loo kala diri lahaa dibadbaxyada ka dhashay dilkii George Floyd oo ku dhintay gacanta booliska Minneapolis.
Mr Powell ayaa sheegay in dalku lee yahay dastuur loona baahan yahay in dastuurka la raaco.
Xoghayihii hore ayaa ku tilmaamay Trump beenaale dhaawacay anshaxii iyo akhlaaqdii Maraykanka.
Powell ayaa ka soo hoos shaqeeyay madaxweyne George W. Bush oo uu xoghayaha arimaha dibada u soo noqday.

Donald Trump returns to the White House after visiting outside St. John's Church, Monday, June 1, 2020 Source: AP
Xogahaye Powell ayaa sidoo kale ku dhaliilay xisbiga Jamhuuriga inay ka aamuseen qaladaadka Trump wuxuuna ku booriyay shacabka Maraykanka inay codkooda uga saaraan xafiiska marka la gaaro doorashada nofember.
"Ma nihin dawlad madaxweynaha oo kaliya uu u taliyo, waxaan lee nahay baarlamaan, waxaan leenahay maxkamad sare, intaas oo dhan waxaa ka muhiinsan shacabka Maraykanka oo ah kuwa doortay haddan ka qaadi kara xafiiska," ayuu yiri Mr Powell.
Wax yar kadib markuu waraysigu dhamaadayna madaxweyne Trump ayaa markiiba bartiisa twitterka ugu jawaabay.
"Colin Powell, waa ninkii ka masuulka ahaa inaan galno dagaalada bariga dhexe ee lagu hoobtay, wuxuuna hadda sheegay inuu Joe Biden u codaynayo. Soo ma ah ninku yiri Ciraaq waxay haysataa hubka dadka gumaada? beena ma noqon," Ayuu bartiisa ku qoray madaxweyne Trump.