Hay’ada masuulka ka ah Kantroolka dhaqdhaqaaqa lacagaha ee baadhitaanada waday ,ayaa ganaax culus ku riday Baanka Commonwealthiga ee Australia.
Madaxa Baanka Commonwealth ee Australia Matt Comyn, ayaa sheegay in aqbalaada Baanka ee $700 ee Million ee gaxaaxa ah, in ay tahay qirasho bangiga uu qirayo in uu ku fashilmay kasoo bixida nidaamak ka hor tagida lacag dhaqida iyo xakamaynta dhaqaalaha dhaqdhaqaaqiisa ee argagixisada la xidhiidha.
Hay’ada masuulka ka ah Kantroolka dhaqdhaqaaqa lacagaha , ayaa bangiga ku heshay 53,506 khalad, oo Commonwealth Baanku uu ku baalmaray shuruucda u taala dhaqdhaqaaqa lacagaha.