Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Confusion over muslim ban by Trump administration

Confusion remains over president Trumps ban on Muslim Immigration from 7 countries.

Donald Trump, left, with National Security Adviser Michael Flynn
The Trump administration is defending the implementation of a ban on Muslim immigration. (AAP) Source: AP

Wali waxaa ka socda gudaha Maraykanka iyo caalamka carada iyo jahawareerka ka dhashay go,aankii u madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ku go,aamiyay in dadka kasoo jeeda 7 dal oo Muslim ah inaysan Maraykanka soo gali karin.Madaxweyne Trump ayaa hore u shaciyay intuu ku jiray ololaha doorashada inuu Muslimiinta ka mamnuucidoono dalka Maraykanka.

Go'aankan ayaa waxaa laga canbaareeyay gudaha Maraykanka iyo dalka dibadiisa iyadoo hogaamiyayaal badan iyo ururada xaquuqul binaadanku ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn dastuurka Maraykanka iyo sharuucda caalamigaa.

Mudiga ugu badan ayaa laga muujinayaa sida uu saamaynayo dadka kasoo jeeda dalalka arintan qusayso.

Waxaa jira dad badan oo haysta sharciga Maraykanka ee loo yaqaan Green Card oo hada laga cabsi qabo inaan dadla loo ogolaan inay kusoo noqdaan haddhii ay dalka dibadiisa u safraan.

Waxaa kaloo wali aan la hubin sida amarkan uu u saamaynayo dadka labo dhalsho haysta sida Soomaalida Australia degan oo haysta dhalashadan dalkan iyadoo RW Australia uu sheegay in amarkan uusan saamyndoonin muwaadiniinta Australia ee kasoo jeeda 7 dal oo la tilmaamay.

Waxaa sidoo kale kumanaan qaxooti ah oo ku rajo waynaa in Maraykanka qaxooti ahaan loogu qaado iyagoo waqti badan sugayay in dibudejin Maraykanku siiyo.

Wararkii u danbeeyayna waxaa wali socda dacwooyinka lagu wado amarkaas oo ka socda gobolo ka mid ah dalka Maraykanka iyadoo siihayahaha xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku ay diiday in qareemada wasaarada cadaaladu aysan difaaci doonin dacwooyinka loogasoo horjeedo amarkan muranka badan dhaliyay.

Diidmada siiyahah xeer ilaaliyaha ayaa mid aan hore  loo arag in xeer ilaaliyuhu diido inuu fuliyo amarka madaxweynaha balse waxay xilka haysaa oo kaliya inta Senatku ka ansixinayo xeer ilaaliyaha u sharaxan Donald Trump, Jeff Sessions oo u baahan taageerada Senatorada Jamhuurigaa iyo dimoqraadiga ah.

Waxaa kaloo muran wayn ka taagan yahay sida Madaxweyne Trump ku xushay 7 dal iyadoo aysan jirin wax muujinaya in muwaadiniin u dhashay ay falal argagaixiso ah ka fuliyeen dalka Maraykanka gudihiisa.

Amarkan u danbeeyay ayaa ka mid amaro uu asbuucii u danbeeyay soo saaray Madaxweyne Donald Trump oo muran badan ka dhashay.

 


2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now