Coronavirus iyo tirada guud ee dalka Australia

Australia government website corona virus

Source: Australian government website

Australia oo dhan dad ka badan 6,600 oo qof ayaa laga helay xanuunka COVID-19 iyadoo in ka badan 4,100 qofna ay ka soo kabsadeen.

Tirada dadka u dhintay ayaa gaartay 72 kadib markii labo qof oo kale ay ku geeriyoodeen gobolka NSW, hal qofna ku dhintay Victoria 24 saacadood ee u danbeeyay.

Labadan gobol ayay tirada dadka ugu badani ku dhinteen iyadoo NSW ay 30 qof ku geeriyoodeen halka Victoria ay 15 qof ku dhinteen.

Dhanka kalana Queensland ayaa shaacisay in markii ugu horeysay in ka badan labo bilood aan hal qofna laga helin xanuunka.

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inaysan dadku is dhigan.

"Dalal badan oo aduunka ah ayay xanibadaahan oo kale saarnaayeen. Way khafiifiyeen markaas ayuu caabuqii aad u fiday. Hadda waxay ku noqdeen xanibaado ka daran kaan ku jirno. Waan ogahay in xanibaadu adag tahay. Shaki marna iigama jiro in dadku dhibsanayaan xanibaadahan la saaray. Laakiin xanibaaduhu way shaqaynayaan," Ayuu yiri Mr Andrews

In ka badan 411,000 oo qof ayaa laga baaray xanuunka ilaa iyo hadda, waxaana laga helay xanuunka 1.6%.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Coronavirus iyo tirada guud ee dalka Australia | SBS Somali