Coronavirus Update Isniin 30 Maarso

Coronavirus (COVID19)

Source: Pixabay

Tasmania ayaa xaqiijisay qofkii ugu horeeyay ee u dhinta xanuunka COVID-198.

Haweeney 80 meeyo jir ah oo ku geeriyootay cibitaal ku yaala magaalada Burnie ayaa dhimashadeeda lala xariiray coronavirus.

 Premier-ka Tasmania Peter Gutwein ayaa sheeay in xaaladu cakiran tahay.

 Mr Gutwein ayaa sidoo kale ku dhawaaqay talaaboooyin adadag oo xanibaado ah iyadoo dadka socdaalkaa ee soo gala gobolka oo aan daruuriga ahayn lagu karantiilayo xarumo dawladu maamusho.

Wuxuu sheegay in dadka iska indhatira sharuucda la xariirta kala dheeraanshaha dadka iyo inaan labo qof ka badan isu imaan karin loo qaadanayo inay danbi galeen isla halka lagu qabtana lagu ganaaxi doono.

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay in la mamnuucay inay isu tagaan in ka badan labo qof iyadoo gobolada kala duwan ay iyagu leeyihiin fulinta sharcigan.

Gooabaha dad weynuhu isugu yimaadaan qaarkood ayaa gabi ahaanba la xirayaa sida meelaha caruurtu ku cayaaraan, meelaha dibada ee lagu jimicsado.

Booliska Queensland waxay ganaaxyo u jarayaan qof kasta oo jabiya sharuucda kala dheeraansha bulshada ee dawlada federalkaa ay soo rogtay iyo amarada is-karantiilka.

Dhanka kalana NSW ayaa markiiba bilaabaysa inay dhaqangaliso sharuucda cusub ee xadidaya tirada dadka isu imaan kara laga bilaabo caawa habeen barkii (Isniin 30 Maarso).

Premier-ad Gladys Berejiklian ayaa sheegtay inay qirayso in talaabooyinkan ay yihiin kuwo adag laakiin waxay dadka ku boorinaysaa inay u hogaansamaan iyagoo ka eegayaa inay bulshada oo dhan u fiican yihiin.

"Waa ogahay in marka qof walbaa la qabsado isbadaladan. Marka qofkastaa fahmo siduu u maareeyo, hadba dibu eegid ayaan ku samaynaynaa si wixii soo cusboonaadaa aan ugu darno ama uga dhino. Aad baan ugu niyadsamahay inaan la gudbayno iyo awoodaa aan u leenahay inaan is caawino oo aan iska warqabno. Inaan talefoon isu dirno ama fariimo isu dirno qiimo ka wayn maanta sidii hore ayay leeyihiin," ayay tiri Ms Berejiklian.

Victorian waxay u gudubtay heerkii sadexaad ee xanibaadaha iyadoo gobolku diiwaangaliyay in ka badan 820 kays oo xanuunka coronavirus ah.

Ganaax isla goobta lagu jaro ayaa lagu bilaabayaa dadkii ka badan labo qof oo isu yimaada laga bilaabo caawa oo Isniin ah bisha Maarso 30 keeda.

Ganaaxa ayaa gaari kara ilaa $1600.

Premier Daniel Andrews ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay raacaan awaamiirta si loo xakameeyo faafida caabuqa.

"Guryaha jooga, sharciga raaca, kala dheeraada, gacmaha dhaqda, isgayska gacantaad ku qufac, caqli hala isticmaalo, waxa saxdaa hala sameeyo haddii kale dad ayaa dhimanaya," ayuu yiri Mr Andrews.

Dhanka kalana maamulayaasha dalka Philippines ayaa sheegay in 8 qof ay dhinteen kadib markii diyaarada kuwa caafimaadka ah ee dadka daad guraysa ay kusoo dhacday caasimada Manila.

Diyaarada ayaa qaraxday mar ay ka kacaysay garoonka wayn diyaaradaha ee Manila.

Ed Monreal, waa madaxa maamulka garoonka diyaaradaha ee Manila, wuxuuna sheegay inaan la ogayn sababta diyaaradu u dhacday.

"Ma xaqiijin karno, wararka laysla dhexmarayo laakiin cidna kama badbaadin shilka, waa degdeg in lasii qiyaaso sababta," ayuu yiri Mr Monreal.

Dhaqtar ku taqasusay cudurada faafa oo dawlada Maraykanka kala talinayaa xanuunka coronavirus ayaa ka digay in ilaa 200 oo kun oo qof ay ugu dhiman karaan xanuunka COVID-19 dalka Maraykanka.

 Maraykanku wuxuu sii balaariyay sharuucda la xariirta kala dheeraanshaha dadka iyadoo kaysasku ay aad  u kordhayaan.

Ugu yaraan 125 kun oo qof ayuu ku dhacay cudurku dalka Maraykanka, waxaana ilaa iyo hadda u dhintay 2200 oo qof.

Doctor Anthony Fauci, ayaa sheegay in 200 oo kun oo qof ay ugu dhimankarto Maraykanka.

"Haddaan eegno sida wax u socdaan, waxaa dhihi karaa inta u dhaxaysa 100 ilaa 200 oo kun laakiin ma doonayo haddalkan  in hadhow la ii qabsado. Waxaa jiridoona malaayiin kaysas ah, ilama aha inaan saadaal iska samayno maadaama arimuhu si xawliya isu badbadalayaan," ayuu yiri Dr Fauci.

Spaina waxay diiwaan galisay tiradii ugu badnayd ee hal maalin u dhimata coronavirus oo gaartay 838 qof iyadoo tirada guud ee dadka dalkaas ugu dhintay COVID-19 ka dhigaysa 6500.

Wuxuu ilaa hadda xanuunku ku dhacay dad gaaraya 79,000 Spain taasoo keentay in dawladu amarto in dhamaan shaqaalaha aan daruuriga ahayn ay labo asbuuc guryohooda joogaan laga bilaabo maanta oo Isniin ah bisha Maarso 30 keeda.

Ugu danbayntana dalka Talyaaniga ayaa diiwaangaliyay tirada ugu badan ee dal ugu dhimata xanuunka. Waxaana u geeriyooda COVID-19 10 kun iyo 700 oo qof.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand