Coronavirus Update Monday 06 April

Madaxa adeegyada dabdamiska miyiga NSW Shane Fitzsimmons ayaa loo magacaabay inuu hago wakaalad cusub oo gobolka ka caawinaysa sidii uu uga soo kabsan lahaa dhibaatooyinkii u danbeeyay oo uu ku jirto faafida coronavirus.

Hay’adan cusub oo loo bixiyay Resilience NSW ayaa howleheeda diirada ku saaridoonta u diyaargarowga iyo kasoo kabasashada masiibooyinka kadib markii gobolka ay soo mareen abaaro, daadad, dab iyo COVID-19.

Premierad Gladys Berejiklian ayaa uga mahadcelisay Mr Fitzsimmons hogaamiyenimadii uu muujiyay intii ay socdeen dabkii ka dhacay gobolka.

"Yaa is lahaa 2020 NSW waxaa ka dhacaya xanuun faafa. Ma ogin waxaan wajihidoono mustaqbalka, Laakiin waxaan ogahay in hay’ada NSW Resilience ay diirada saaridoonto u diyaargarowga iyo kasoo kabashada wax kasta oo nagu dhaca mustaqbalka,” ayay tiri Ms Berejiklian.

New South Wales ayaa xaqiijisay 57 kays oo cusub oo coronavirus ah taas oo tirade guud ee gobolka ka dhigaysa 2637.

Dalka oo dhan waxaa ku dhintay 37 qof kadib markii nin 85 jir ah iyo nin kale oo 86 jir ah geeridooda la xaqiijiyay.

Markabka dalxiiska Ruby Princess oo lala xariirayay 622 kays oo coronavirus ah iyo geerida 11 qof ayaa ku xiranaya koofurta NSW.

Markabkan ayaa ku xiranaya Port Kembla oo ku dhaw Wollongong mudo 10 maalmood ah si loo baaro caafimaadka dadka saran loona daaweeyo kuwa u baahda.

Tan ayaa imanaysa kadib markii taliyaha booliska NSW Mick Fuller uu ku dhawaaqay baaritaan lagu sameeyo sababta rakaabkii markabka loogu ogolaaday inay ku degaan Sydney.

Mr Fuller ayaa sheegay in talaabada ku haboon la qaadidoono si loo sugo amaanka dadkoo dhan.

Mucaaradka federalka iyo ururada shaqaalaha ayaa ku baaqaya in la difaaco xaquuqda shaqaalaha casual-ka ah oo laga qaybgaliyo $130 bilyan oo dawladu ku kabayso mushaarooyinka shaqaalaha.

Golaha ururada shaqaalaha Australia ayaa sheegay in shaqaalaha Casuals-ka ah la siiyo lacagaha jobkeeper-ka.

Laakiin wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Christian Porter ayaa sheegay in lacagaas la siindoono oo kaliya shaqaalaha 12 bilood oo isku xiga hal shaqo bixiye u shaqaynayay.

Labo kays oo kale oo coronavirus ah oo lala xariirinayo cisbitaal ku yaal woqooyi galbeed Tasmania ayaa la xaqiijiyay.

Qof shaqaale caafimaad ah iyo bukaan ku jiray cisbitaalka ku yaal Burnie ayaa laga helay COVID-19 shalay oo Axad ahayd.

Taas ayaa tirade guud ee lala xariirinayo cisbitaalka gaarsiinaysa 5 qof markii 3 qof oo shaqaale ah hore looga helay xanuunka.

Premier Peter Gutwein ayaa sheegay in baaritaan socdo si loo ogaado halka caabuqan kasoo bilowday.

"Inkastoo ay tahay arin walaac mudan haddana ma noqondoonto markii u danbaysay oo aynu aragno xanuun ka dilaaca cisbitaal ku yaal Tasmania,” ayuu yiri Premier Gutwein.

Tirada guud ee dadka laga helay COVID-19 ee gobolka ayaa gaartay 86 iyadoo labo qof u dhimatay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhiiragiyay shacabka dalkiisa inay u duceeyaan dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha la dagaalamaya coronavirus Axadan oo ah maalin si gaar ah ugu wayn dadka masiixiyiinta.

Maraykanka ayaa u diyaargaroobaya waxa lagu magacaabay waji muhiim ah iyadoo ay aad u kordhayaan tirada dadka u geeriyooday COVID-19, caqabado badana soo wajahayaan nidaamka caafimaadka oo cadaadis balaaran saran yahay.

Tirada dadka uu ku dhacay COVID-19 ee dalka Maraykanka ayaa kor u dhaafay 300 oo kun iyadoo dadka u dhintay ay gaareen 9 kun.

Mr Trump ayaa u mahadceliyay shaqaalaha safka hore uga jira dagaalka iyo qaybta ay ka qaateen.

RW UK Boris Johnson ayaa cisbitaalka loo qaaday kadib markii calaamadaha lagu garto COVID-19 ay kusii xumaadeen inkastoo uu hadda 10 maalmood qabay xanuunka.

RW ayaa u mahadceliyay hay’ada caafimaadka dalka NHS shaqada adag ee ay hayaan wuxuuna dadka kusii booriyay inay guryaha joogaan.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand