Diyaarad ay leedahay Singapore oo ay saaran yihiin ku dhawaad 200 oo rakaab Australian ah ayaa kasoo degtay garoonka diyaaraha Sydney kadib markii ay ka soo duushay Cambodia iyadoo wali ay socdaan xanibaadaha lagu xakamaynayo xanuunka coronavirus.
Safaarada Australia ayaa fududaysay diyaaradan kasoo duushay Phnom Penh oo waday 164 muwaadiniin Australian ah iyo 20 qof oo haysta deganaansho.
Diyaarada ka soo duushay Hindiya ayaa sidoo kale keentay muwaadiniin Australian ah dalkooda hooyo habeenkii Axada.
Waxaa kaloo la filayaa in diyaarad kasoo duushay Peru ay kasoo degto Brisbane galabta oo Isniin ah.
Saraakiisha Australia ayaa la filayaa inay dib u eegid ku sameeyaan xanibaadaha lagu xakamanayay faafka coronavirus dhowr asbuuc ka dib.
Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka Australia Brendan Murphy ayaa sheegay inay degdeg tahay in la qaado xanibaadaha lagu xakamaynayo coronavirus sida fkala fogaanshaha bulshada.
61 qof ayaa ilaa iyo hadda ugu dhintay Australia iyadoo in ka badan 6 kun oo qof laga helay xanuunka.
Dawlada federalka ayaa u sheegaty shacabka inaysan balanqaadi karin in dadku u socdaali doonaan dalka dibadiisa marka la gaaro bisha December.
Wasiirka dalxiiska federalka Simon Birmingham ayaa sheegay in dadka intooda badan ay u hogaansameen talooyinka socdaalka oo ahaa inaysan bixin inta lagu jiro ciida Easter-ka.
Mr Birmingham ayaa ABC u sheegay in ka hor inta aan dibada loo safrin ay dhici karto in dalka gudihiisa la isugu safro isagoo ku booriyay shacabka Australia inay fasaxooda ku qaataan dalka gudihiisa.
Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka baxay cisbitaal London ku yaal oo uu cabaar ku jiray kadib markii uu ku dhacay coronavirus.
RW oo 55 jir ah oo qaybta xaalada degdega ah ee cisbitaalka ku jiray ayaa u mahad celiyay kalkaaliyayaashii caafimaadka ee xaaladiisa la socday mudo 48 saacadood ah si ay u hubiyaan inuu neef ku filan qaadanayo.
RW ayaa duubay fariin fiidoyow ah oo ugu mahad celinayo hay’ada caafimaadka dalka oo loo soo gaabiyao NHS isagoo qiray in cadaadis badan uu haysto.
Premierka Tasmania Peter Gutwein ayaa sheegay in dad kale ay u dhimandoonaan maalmaha soosocda xanuunka coronavirus.
Dawlad goboleedka ayaa sheegtay inay qaaday talaabo adag markay xirtay labo cisbitaal oo ku yaal Burnie si loo nadiifiyo gabi ahaanba dhismaha oo dhan.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa la amray inay iskarantiilaan mudo 14 maalmood ah kadib markii dhowr qof oo ka tirsan shaqaalaha laga helay COVID-19
Mr Gutwein ayaa sheegay in gobolka laga helay 144 kays 5 qofna ku dhinteen taasoo dhalisay in dawladu qaado talaabooyin aan hore loo arag.
Madaxweynaha dalka Turkey Tayyip Erdogan ayaa diiday incasilaada wasiirkii arimaha gudaha ee dawladiisa.
Wasiir Suleyman Soylu ayaa go’aansaday inuu iska casilo shaqada markuu u arkay in xanibaadaha la soo rogay aan waqti diginin ku filan la siin taasoo sababtay in dadku ku yaacan dukaamada.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inaysan mid haboon ahayn in wasiir Soylu is casilo haddii xataa bandowga lasoo rogay uusan ahayn wadadii ugu haboonayd ee lagu maareeyo coronavirus.